Raadgoob.com
Ugu yaraan Boqol Ruux oo ku dhintay daadad ku dhuftay Japan
July 9, 2018 - Written by admin

Ugu yaraan 100 ruux ayaa loo malaynayaa in ay dhinteen ka dib markii ay ku dhufteen roobab aad u xoog badan oo daadad dhaliyay, sida uu sheegay afhayeenka dawladda.

In kabadan 50 ruux oo kale ayaa la rumaysan yahay in la la’yahay, sida uu ku warramay Japan Times.

Tan iyo Khamiistii qaybo ka mid ah galbeedka dalka Japan ayay ka da’een roobab saddex jibaar ka badan kuwii caadiga ahaa ee lagu yaqaanay bisha Luulyo oo dhan.

In kabadan labo milyan oo ruux ayaa lagu amray in ay banneeyaan goobaha ay wabiyadu ku fataheen.

“Waligana maanaan arkin rooban noocan oo kale ah”. ayuu yiri masuul ka tirsan laanta cimilada.

JapanJapan

Japan

COMMENTS
Latest News