Raadgoob.com
Ciidamada Nigeria Oo Xabsiga ka sii deysay 183 carruur ah
July 10, 2018 - Written by admin

Ciidamada Nigeria ayaa xabsiga ka siidaayay 183 carruur ah oo looga shakisnaa in ay xiriir la leeyihiin ururka Boko Haram, kadib marki lagu waayay wax dambi ah.

Waxa ay ka koobnaayeen 175 wiil iyo siddeed gabdhood oo da’doodu u dhaxeeyso siddeed ilaa iyo 18 sano jir, waxaana ay ku xirnaayeen magaalada Maiduguri ee gobolka Borno.

Carruurta ayaa haatan la geeyay xarun ay maamusho dowladda, halkaasi oo lagu daweynayo.

Xafiiska hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan carruurta ee Unicef ay ku leedahay Nigeria ayaa sheegaya in ay dowladda kala shaqeyneyso sidii taageero loogu fidin lahaa carruurtaas.

Marka carruurtan la daweeyo ka dib waxay dib ula midoobi doonaan qoysaskooda.

Dowladda Nigeria ayaa horay loogu dhaleeceeyay xarigga loo geeystay carruurta.

Sannadii 2016, ururka xuquuqda aadanaha udooda ee Amnesty international ayaa sheegay in 149 qof oo ay ku jiraan 11 carruur ah oo aad u yar yar ay ku dhinteen xabsiyada ku yaalla magaalada Maiduguri.

COMMENTS
Latest News