Raadgoob.com
Safiir Cusub Oo Uu Mareykanku U Soo Magacaabay Soomaaliya
July 12, 2018 - Written by admin

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa u doortay Donald Yamamoto in uu noqdo safiirka cusub ee Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya, isaga oo badallaya safiirkii hore.

Ninkan cusub ee la soo magacaabay ayaa horay u ahaa u qeysnaha Africa waaxda arrimaha dibedda dalka Mareynkanka, waxaana uu horay uga soo shaqeeyay Safaaraddaha Mareykanka ee dalalka Itoobiya iyo Jabuuti.

Mareykanka ayaa waxaa ay ciidamo gacan siiya kuwa dowladda ka joogaan Soomaaliya, horeyna madaxweyne Trump waxaa uu u sheegay in maamulkiisu uu kordhinayo dagaalka ka dhanka ah argagixisada gaar ahaan Al-shabaab.

COMMENTS
Latest News