Raadgoob.com
Imisa Caqabadood Ayaa kahor yimi Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi Markii Uu Xilka Qabtay
July 13, 2018 - Written by admin

Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi  Ayaa Xilka Madawaynenimo Ee Somaliland Qabtay  21/10/2017

Madaxwayne Muuse Biixi Ayaa Intii Uu Xilka Hayay Lakulmay Caqabdo Taas Oo uu La Kaw Saday markii Uu Xilka qabtay caqabadahaas oo ay kamid yihiin

1; Dagaal Beeleed Aad u qadhaadh oo ka dhacay deeganka ceelafwayne   ee gobalka sanaag halkaas oo ay isku hor fadhiyaan laba beelood oo walaalo ah hadaba labadan beelood ayaa colaadodu soo noqo noqtay marar badan taas oo xukuumadii ka horaysay ee Axmed Siilaanyo waxba katari kari wayday daminta colaadan walaw ay marar badan isku dayday inay damiso coladaada deegankaasi ka jirta madaxwayne biixi ayaa isagu dhawaan xulay ergo ilaa 60 ergo ah oo isugu jira culimada dalka waxagaradka salaadinta aqoonyahano taas oo uu Ergadaasi hogaaminaayo madaxwayne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan Saylici

2; Madaxwayne Biixi Ayaa Sidoo kale la kulmay bulsho kala qaybsan oo ay kala qaybisay doorashadii dalka ka dhacday Ee Uu Isagu ku soo baxay

Doorashadaasi ayaa dadka Somaliland ku sugan min bari ilaa min galbeed kala qaybisay taas oo ay sababteedu tahay in murashaxyadii u kala tartamaaya Xisbiyada qaranka Somaliland ay qabiilo isku badalaan

Oo xisbi waliba uu reero ama cid gaari ku abrirsato halkaasna ay ka dhalatay qabyaalad saamayn wayn ku yeelatay dalka oo dhan sidoo kalena caqabad ku noqotay madaxwayne muuse biixi sidii uu u midan lahaa dadkii ay kala qaybisay doorashadii qabyaalada wada tay ee dalka ka dhacday  ileen waxa uu yimi dad iyo dal kala qaybsan oo reero iyo cid gaari kala sheeganaysee

3; Muuse biixi cabdi madaxwaynaha Somaliland waxa uu sidoo kale markii uu xilka qabtay la kulmay dagaal adag oo dhex maray maamulka puntland iyo Somaliland dagaalkaas oo ku dhex maray Xuduudka Somaliland ee deeganka Tuka raq dagaalkan ayaa waxa ku dhimatay tiro ciidana ah oo aad u badan oo labada dhinacba khuseeya iyo sidoo kale dhaawac aad u badan oo labada dhinacba ah dagaalkan ayaa waxa uu ahaa caqabad yaduna ka hortimi madaxwayne biixi wakhtigii uu xilka  qabtay

4; wakhtigii uu xilka qabtay madaxwayne muuse biixi ayaa waxa wadanka ka jirtay sicir barar saamayn wayn ku reebay wadanka oo dhan oo ay bulshadu la daala dhacayso xukuumadii ka horaysay ay la daala dhacday sicir bararkan oo  xal ay u wayday in ay wax ka qabato madaxwayne biixi ayaa xukuumadiisu sicir bararkii bulshadu la daala dhacaysay wax ka dhimay halkii uu hore u maraayay walawse aanu dhicin isbadal wayn oo ku dhacay sicir bararkii jiray

 

5; dhawaan soomaaliya wax ay cunaqabatay Dhaka haayadaha waxa caawiya saartay Somaliland sidoo kalena wax ay dawlada fadraalku soomaaliya soo faragashatay Somaliland xujaydii xajka u tagi jirtay Xukuumada Somaliland Ayaan yadu wali ilaa hada ka hadal arinkaas walaw ay ka hadleen xisbiga mucaaridka ah ee ucid

 

Madaxwaynaha Somaliland ayaa soo dhisay xukuumad tiro wasiiro ah iyo wasiir ku xigeeno ilaa hada majirto wax lataaban karo oo bulshada Somaliland  qiri karto oo ay wasiiradani iyo wasiir ku xigeenadoodu qabteen madaxwayne biixi ayaan ilaa hada aan samayn wax isku shaanshayn ah oo khuseeya xukuumadiisa

Xisbiyada mucaaridka Somaliland ayaan iyagana ka hali doona todobaadka danbe iyo sida ay wadanka ku yihiin ma horumarbay wadanka u soo jiidan mise waxay eegtaan daldaloolada xukuumada oo marka xukuumadu khalad gasho ayay ka hadlaan warbaahinta

 

 

COMMENTS
Latest News