Raadgoob.com
Taliye laga soo magaacabay Dawlada Fadraalka Soomaaliya Oo Jubbaland Garoonkeeda Kismaayo ka celisay
July 13, 2018 - Written by admin
Wafdigan oo uu horkacayay taliyaha cusub ee saldhigga qeybta 43-aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ee fadhigoodu yahay magaalada Kismaayo Sarreeye Guuto Cali Bogmadoow ayaa dib looga celiyay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo.
 
Sidoo kale wafdiga waxaa qeyb ka ahaa taliyihii hore ee ciidanka xoogga dalka qeybta 43-aad Gen. Ismaaciil Saxardiid, kaasoo dhawaan ay dowladdu xilka ka qaaday.
 
Diyaaraddii siday wafdiga ayaa lagu amray in ay dib ugu laabato Muqdisho, waxaan wafdigu ay ku laabteen isla diyaaraddii keentay.
 
Ma cadda ujeedada ka danbeeysa arrintan, balse madaxda Jubbaland ayaa lagu wadaa in goordhow ay qabtaan shir jara’aid oo ay uga hadlayaan waxa sababay in dib loo celiyo wafdigaasi.

COMMENTS
Latest News