Mid Ka Mid Ah Bartilmaameedkii Ku Jiray Liiska Ciyaartoyda Uu Madax Wayne Florentino Perez Doonayo In Uu Madrid Ku Soo Xoojiyo Oo Ronaldo Uu Diiday Iyo Sababta Oo Lionel Messi Xidhiidh La Leh.

hargaysa (RGN

Dhawaan saxaafada kubbada cagta ayaa soo bandhigtay liiska ciyaartoy uu madax waynaha Real Madrid ee Florentino Perez  uu doonayo in uu isbadal wayn kaga sameeyo Santiago Bernabeu dhamaadka xili ciyaareedkan isaga oo doonaya in uu Zinedine Zidane fursad u siiyo in uu xaliyo dhibaatada Los Blancos xili ciyaareedkan ka haysata horyaalka La Liga.

Laakiin waxaa soo baxay war sheegaya in Cristiano Ronaldo uu diiday mid ka mid ah bartilmaameedka Florentino Perez  in uu Santiago Bernabeu kula soo biiro isla markaana uu weerarka Madrid kala ciyaaro. Don Balon  oo ka soo baxa Spain ayaa shaaca ka qaaday in Cristaino Ronaldo uu diiday in xidiga ree Argentina iyo kooxda Inter Milan ee Mauro Icardi uu kooxdiisa ku soo biiro.

 

Don Balon ayaa sheegay in sababta uu Ronaldo u diidan yahay Icardi ay tahay xidhiidhka saaxiibtinimo ee ka dhexeeya Icardi iyo Lionel Messi. Iyada oo Gareth Bale uu dhaawcyo ka bixi waayay isla markaana ay Ronaldo iyo Benzema xaalad abaar gool la’aan ah kaga jiraan horyaalka La liga ayuu Perez suuqa ugu jiraa gool dhaliye uu kooxdiisa ku soo xoojiyo.

Florentino Perez ayaa bartilmaameed ka dhiganaya xidigo ay ka mid yihiin Robert Lewandowski, Harry Kane iyo Kylian Mbappe laakiin iyada oo liiskan uu ku jiro Mouro Icardi ayay wararku sheegayaan in Ronaldo aanu aqbalayn in uu qolka labiska la wadaago xidig ay Messi saaxiibo dhaw yihiin.

 

Laakiin haddaba Andre Gomes oo ay Cristiano Ronaldo isku qaranka Portugal yihiin ayaa ka tirsan qolka labiska Barcelona inkasta isaga laftiisa lagu eedeeyay in uu sirta Lionel Messi uu u gudbiyay Ronaldo. Si kastaba ha ahaatee, sawirada uu Icardi soo dhigay barbaraha bulshada ee ay Messi ku wada jiraan ayaa xalada uga daray.