Raadgoob.com
Nuxurka Afar Qodob Oo Ka Soo Baxay Shirkii Maanta Ee Golaha Wasiirrada JSL
January 4, 2018 - Written by admin
(RAADGOOB NEWS-Hargeysa)-Kal-fadhigii labaad (2aad) ee ay yeeshaan golaha wasiirada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-gudoominayey Madaxweynaha Qaranka Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi kuna wehelinaayey madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo ka qabsoomay hoolka shirarka golaha wasiirada ee Madaxtooyada Somaliland, ayaa dood-dheer oo ay yeesheen ka dib waxa shirkaasi ka soo baxay laguna lafo-guray qodobo muhiim u ah qaranka iyo shacbiga Somaliland.

Waxaanay u dhignaayeen Qodobada ka soo baxay shirku:-

1. In Dawladda Somaliland ay gardaro cad u aragto faro-gelinta ay Soomaaliya ku samaysay hawada Somaliland, sidoo kalena ay qaar ka mid ah maamulkeedu soo galaan xuduudaha Somaliland, taasina maaha mid ay Somaliland u dulqaadan doonto wixii hadda ka danbeeya.

2. In la xoojiyo go’aankii wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeyntu ay ka soo saartay joojinta dhulka danta guud ee qaranka.

3. In la joojiyo qabyaalada loo isticmaalo warbaahinta kala duwan ee dalka ka hawl-gasha.

WARIYE SHAAKIR AHMED CALI

 

COMMENTS
Latest News