Raadgoob.com
Boqolaal qof oo dalka Iiraan lagu xiray
January 6, 2018 - Written by admin

hargaysa(raadgoob.com)

Arday jaamacadeed oo gaaraysa sagaashan arday ayaa ka mid ah kun qof oo dalka Iiraan lagu xiray maalmihii la soo dhaafay.

Waxaa warkan xaqiijiyay xilibaan ka mid ah kuwa isbadal-doonka ah ee dowladda ka soo horjeeda.

Mohmoud Sadeghi ayaa intaasi raaciyay in ardayda la xiray ay ahaayeen kuwo dibadbaxayay.

Banaanbaxyadan Dowladda looga soo horjeedo waxaa ilaa iyo hadda ku dhintay dad gaaraya 21 qof.

Banaanbaxyada oo dalka oo dhan ka dhacaya sababta ugu weyn ee keentay waxaa lagu sheegay inay tahay dhaqaalaha oo hoos u dhacay.

Balse waxaa jira warar sheegaya in hadda ay hoos u dhaceen dadka dibadbaxaya kadib markii ciidamada ilaalada kacaanka loo yaqaano la geeyey meelo badan.

Dibadbaxyada ayaa la aaminsan yahay inaysan dhicin kuwo la mid ah xiliyadan dhow marka loo eego kuwii dhacay sanadii 2009-kii.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dadka la xiray ay tiro ahaan gaarayaan 1700 oo qof ilaa bishii December 28-keedii.

Ardayda jaamacadaha ee la xiray ayaa qaarkood waxaa laga soo qabqabtay guryahooda.

Inta badan ardayda jaamacadaha dalka Iiraan ayaa saamayn weyn ku lahaada mudaaharaadyada dalkaasi ka dhacay.

Waxaa jira warar sheegaya in ardayda la xiray intooda badan ay yihiin kuwo da’ ahaan ka yar 25 sano.

Muuqaalo ay BBc-du aragtay ayaa muujinaya dad raadinaya ehelkooda oo xabsiyada

COMMENTS
Latest News