Raadgoob.com
maxaa loo gadanaa diinka deegaannada Soomaliland
January 15, 2018 - Written by admin

hargaysa raadgoob.com

Haddii aad dhowaanahan maqli jirtay Boqollaal diin oo loo dhoofin rabay Shiinah iyo bariga Aasiyaa oo lagu qabtay dalalka qaar ee Afrika ama Hindiya, Hadda waxaa la sheegayaa in midka dhulka Soomaaliya ay halis soo wajahday.

Wararka ka imaanaya qeybo ka mid ah jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland ayaa sheegaya in noolaha diidiinka uu halis ugu jiro in la ugaarsado oo la dabar gooyo, balse lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa.

Baraha bulshada ee Soomaaliya waxaa dhowaanahan ku soo badanayay warar sheegaya in ay jiraan dad ugaarsanaya diinka.

Urur u dooda ilaalinta deegaanka oo lagu magacaabo Barwaaqo ayaa sheegay in diinka loo iibgeeyo gobollada qaar ama loo dhoofiyo dibadda.

Khadra Cumar Xasan oo ah guddoomiyaha ururkaasi waxay sheegtay in guud ahaan duur joogta lagu hayo faro ba’an oo ay kala kulmayaan dad ugaarato sharci darro ah.

“Diinka wuxuu ka mid yahay khayraadka dalka, arrinkanna waa mid soo cusboonaaday oo beryahan dambe la hadal hayay, ugaartii kale ee la qaadan jiray buu ku soo biiray”, ayey tiri Khadro oo BBC Somali la hadashay.

COMMENTS
Latest News