|
|||||||||
Raadgoob.com
Shirkii Dhuusamareeb oo dib loo dhigay
January 17, 2018 - Written by adminMadaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku sugan magaalada Dhuusamareeb, halkaas oo la sheegay in uu kulamo la leeyahay qeybaha kala duwan ee bulshada. Dhanka kale waxaa dib u dhac ku yimid shirkii mideynta dowlad goboleedka Galmudug iyo maamulka Ahlu Sunna Wal Jamaaca, laguna dhaqangalinayay heshiis labada dhinac ay ku gaareen dalka Jabuuti. Wariyaha BBC-da ee Muqdisho ayaa soo sheegaya in illo wareedyo muhiim ah ay u sheegeen in sababta shirka uu u baaqday ay tahay xubnihii beesha caalamka oo aanan magaalada tagin iyo odayaal ku sugan magaalada Cadaado oo ka biyo diiday qodobadii lagu heshiiyay Jabuuti.
COMMENTS
|
Latest News
|