Raadgoob.com
Muxuu Antonio Conte Ka Yidhi In Shaqada Chelsea Laga Caydhin Doono Kadib Ceebtii & Waji Gabixii Kooxdiisa Blues Ka Soo Gaadhay Kulankii Watford?
February 6, 2018 - Written by admin

Antonio Conte ayaa ku jira xaalad aad u adag isaga oo daawanayay kooxdiisa oo 4-1 lagu xasuuqay kulankii Watford laakiin Conte ayaa muujiyay sida aanu ugu cabsanayn shaqadiisa wuxuuna ku dooday in haddii ay maamulka kooxdiisu xal u arkaan shaqo ka caydhintiisa in uu aqbali doono balse aanu wax walwal ah qabin.

Antonio Conte ayaa Sky Sports la hadlay ka hor iyo kadib kulankii Watford wuxuuna muujiyay sida ay kooxdiisu ugu jirto waqti aad u adag, wuxuuna muujiyay in ay wali ka go’antahay sidii uu shaqadiisa u sii wadan lahaa inta ay maamulka kooxdiisu go’aan kale qaadanayaan.

Ugu horayn Antonio Conte uu Sky Sports waydiiyay haddii uu shaqadiisa Chelsea u walwalsan yahay ayaa ku jawaabay: ” Maya. dhibaatadayda ma aha. Waxaan isku dayaa in aan shaqadayda qabsado. Waxaan isku dayaa in aan wax walba galiyo shaqadayda, haddii ay tani ku filan tahay, waa hagaag haddii kale waxay iyagu qaadan karaan go’aankooda”.

Antonio Conte oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi: “Waa wax aad u adag sababtoo ah shir jaraa’id oo kasta waxaad aniga igu waydiinaysaan:’ Miyaad shaqadaada u walwalsan tahay? Maya anigu ma walwalsani. Barri waa maalin kale, tababaraha Chelsea ayaan ahaan karaa ama ma ahaan karo, maxay dhibaatadu tahay? Naftaydu waa cadaan, waan ku celinayaa waxaan hurdada tagayaa aniga oo aan dhibaato qabin, laga yaabee in aan tan sameeyo. Maya wax walba waan isku dayi doonaa”.

Conte oo saxaafada ku eedaynaya in ay dhibaato ku sii abuurayaan ayaa yidhi: “Laakiin waxaan filayaa in ay tani dhibaatadiina tahay ee ma aha aniga ama kooxda. Haddii ay noqoto dhibaatada kooxda, waa hagaag, laakiin noloshu hore ayay u soconaysaa. Shaqadayda ayaan qabsadaa, hawshayda ayaan qabsadaa, haddii ay noqoto in ku filan waa hagaag haddii kale gurigayga ayaan ku laaban doonaa, wax dhibaato ah ma qabo”.

Antonio Conte oo ka hadlaya haddii uu qalad sameeyay kulankii Watford ayaa yidhi: “Laga yaabee in aan qalad ka sameeyay shaxda, shaxda aan ku bilaabay waxay ahayd mid qalad ah sababtoo ah bilaabashadaydu waxay ahayd mid aad u liidatay isla markaana wax adag ayay ahayd in la badalaa”.

COMMENTS
Latest News