Raadgoob.com
Iiraan oo sheegtay in ay wado dadaalo lagu joojinayo dagaalka Suuriya
February 22, 2018 - Written by admin

Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Iiraan ayaa sheegay in dalkiisa uu xiriir la sameeyay dowladaha Suuriya,Ruushka iyo Turkiga si la isugu dayo in la soo afjaro xaaladda bina’aadanimo ee ka jirta bariga Ghouta.

Abbas Araghchi ayaa la hadlay BBC ka dib markii Qaramada Midoobay ay dhinacyada ku lugta leh dagaalka Suuriya ay ugu baqday in joojinta dagaalka ay booriyaan.

Mr Araghchi ayaa sheegay in qof waliba uu ka walaacsan yahay xaaaladda iyo dhibaatada bina’aadnimo ee halkaasi ka jirta.

Waxa uu inta ku daray in Iiraan iyo xukuumadda Suuriya ay ka walaacsan yihiin xaaladda islamarkana aysan xalka u arkin tillaabo militari.

Hadalka Wasiirka ku xigeenka arrimaha dibadda ee Iiraan ayaa imanaya xilli ay isa soo tarayaan baaqyada ku aadan in la joojiyo duqaymaha ka socda bariga Ghouta

COMMENTS
Latest News