Raadgoob.com
Labo qarax oo ka dhacay Muqdisho
February 23, 2018 - Written by admin

raadgoob.com hargaysa

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho waxay sheegayaan in laba qarax oo waaweyn ay ka dheceen meelo u dhow madaxtooyada iyo dhismaha ciidammada Nabad Sugidda Soomaaliya.

Qaraxyada waxaa loo adeegsaday gawaari laga buuxiyay waxyaabo qarxa waxaana ka dambeeyay rasaas aad u xoog badan, sida ay dad goobjoogayaal ah sheegayaan.

Gawaarida gurmadka degdegga ah ayaa hadda gaaray goobaha ay qaraxyadu ka dhaceen.

Shirkadda gawaarida Gurmadka degdegga ah ee Amiin waxay sheegtay in dad ay u qaaday cisbitaallada.

Wixii warar ah ee ka soo kordha dib ayaan idiinkala soo socodsiineynaa.

COMMENTS
Latest News