Raadgoob.com
Dawlada Jabuuti Oo Soo Bandhigtay Qodobada Keenay Inay Ka Baxdo Heshiiskii Ay Kula Jirtay Shirkada DP World.
February 26, 2018 - Written by admin

hargaysa .raadhgoob.com

Dawlada Jabuuti ayaa ka hadashay sababaha keenay inay ka baxdo heshiiskii ay la gashay shirkada DP World.

Gudoomiyaha dekedaha dalka Jabuuti Abubakar Xadi oo la hadlay warbaahinta ayaa soo bandhigay qodobo uu sheegay inaanay dawlada Jabuuti ku qanacsanayn oo ku jira heshiiska ay la galeen shirkada DP World.

Gudoomiye Abubakar Xadi ayaa hadalkiisa ku bilaabay “Waa run oo shirkada DP World waxaanu lahayn heshiis aanu ku maal galinay dekeda Dooraale, maal gelintana inteeda badan waxa lahayd dawlada Jabuuti oo 67% ah, 88 milyan ayaanu galinay iyaguna 44 milyan ayey galiyeen oo sidaas ayaanu ku kala qaadanay,khaladaad ayaa ku jiray heshiiskaas waxaanan DP World

u sheegnay inaanu saxno heshiiskaas ilaa sanadkii 2012-kii”

Gudoomiye Abubakar Xadi oo hadalkiisa sii wata ayaa soo bandhigay qodobada keenay inay jabuuti ka baxdo heshiiskaas waxaanu yidhi “Qodobadaas waxa ka mid ah in dawlada Jabuuti aanay deked ka dhisan Karin dalka iyada oo aan fasax ka haysan shirkada DP World taas oo qaranimada meel kaga dhacaysa iyo anaga oo leh qaybta badan ee maal gelinta dekeda Dooraale inay iyagu hadana yeeshaan xubnaha boodhka ah, markaa waxyaabahaas oo ka hor imanaya qaranimadii dalka ayey xeerkaas cusub u marisay oo ay u jabisay heshiiskii ay kula jirtay DP World.”

Ugu dambayn gudoomiye Xadi ayaa sheegay in jabuuti heshiiskaas ay u saxeexeen dad taageersanaa shirkada DP World “Waa la ogaa laakiin dad ayaa barigaas joogay kuwaas oo si kale u shaqaynayey, waxaana jabuuti heshiisyadaas u saxeexay dad jeebka ugu jiray shirkada DP World.”

 

 

COMMENTS
Latest News