Raadgoob.com
Madaxwaynihii hore Ee dalka Zimbabwe Robert Mugabe oo markii ugu horreysay ka hadlay qaabkii xilka looga qaaday + waxa Sababay xilka qaadistiisi
March 16, 2018 - Written by admin

Madaxwaynihii hore ee dalka Zimbabwe Robert Mugabe ayaa waxa uu sheegay in uu diyaar u yahay wadaxaajood uu la galo madaxwaynaha badalay ka dib markii waxa uu ugu yeeray afgembi uu ku qasbay in uu xilka ka dego.

Waa markii ugu horreysay oo uu hadlay tan iyo bishii November ee sanaddii aanu soo dhaafnay markaasi oo faragalin ay sameeyeen militariga xilka looga qaaday islamarkana ku xigeenkiisii Emmerson Mnangangwa xilka uu la wareegay.

Madaxwaynhii hore ee Zimbabwe waxa uu ka hadlay arrimo badan oo ku xeeran qaabkii xilka looga qaaday.

Waxa uu cambaareeyay dhacdadii horseeday iscasilaadiisii.

Ma cadda in u doonayo in uu awoodda dib ugu soo laabtay.

Balse arrinta iska cad ee muuqata ayaa ah in uu dareemayo in ninkii horey u ahaa gacantiisa midig Emmerson Mnangagwa uu khiyaanay islamarkana uu awoodda kala wareegay.

Mr Mugabe ayaa sheegay in uu diyaar u yahay wadaxaajood si dastuurka dib loogu soo celiyo.

Baraha bulshada ayaa qaar ka mid ah dadka reer Zimbabwe waxa ay u muujiyeen naxariis Mugabi oo 93 jir ah , halka kuwa kalana ay rumaysan yihiin in xaqiiqada dhabta ah uusan taaban islamarkana ku dhawaad 38 sano oo uu xilka hayay uuna dhamaaday galaangalkii uu ku lahaa siyaasada Zimbabwe.

COMMENTS
Latest News