Raadgoob.com
Shirkada Dp World Oo Soo Bandhigtay Argtideeda ku Aadan Madax-Banaanida Somaliland,
March 16, 2018 - Written by admin

Hargaysa(Raadgoob) Guddoomiyaha Shirkadda Imaaraadka carabta laga leeyahay ee

DP World, Sultan Bin Sulayman, ayaa shaaciyey inay shirkadiisu sii wadi doonto maalgashiga Somaliland sannadkan 2018ka, waxaanay qayb ka tahay 1.4 Bilyan Doolar oo shirkadu u qorshaysay in ay caalamka ku maalgeliso.

Warbaahinta Gulf News oo ka mid ah warbaahinta caanka ah ee Dubia ayaa baahisay in Guddoomiyaha DP World uu buuq iyo hadal ku tilmaamaygo’aankii Baarlamaanka Soomaaliya ay ku cambaareeyeen heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee dhex maray dawladaha Somaliland, Itoobiya iyo Shirkadiisa ee la xidhiidhay casriyeynta dekedda Berbera.

Suldaan Axmed Bin Sulaymaan ayaa tilmaamay in Somaliland ay ahayd dal madax-bannaan 28kii sannadood ee la soo dhaafay, isla markaana ay heshiisyo la gashay dalal iyo shirkado badan oo caalamka ka mid ah.

Guddoomiyaha DP World oo wax la weydiiyey codbixintii Baarlamaanka Soomaaliya, wuxuu yidhi “Runtii taasi nama khusayso, sababta oo ah Baarlamaanka Soomaaliya wuxuu samayn karaa qaylo iyo hadal ay soo saaraan, laakiin xaqiiqda runta ahBerbera [Somaliland] waxay heshiisyo kula jirtaa dalal badan oo dunida ah iyo shirkado badan taasina waxay waafaqsan yihiin sharcigooda.

Qorshaha shirkadda DP World ku dhawaaqday ayaa ku soo beegmay iyadoo dalka isu tagga Imaaraadka carabta uu ku sugan yahay Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayaa oo halkaas u jooga inay maamuleyaasha UAE ay kala hadlaan sii xoojinta iskaashiga labada dal ee saaxiibka ah.

COMMENTS
Latest News