Raadgoob.com
Madaxweynihii hore ee dalka Koonfur Afrika Jacob Zum oo la filayo in loo maxkamadeeyo musuqmaasuq
March 17, 2018 - Written by admin

Madaxweynihii hore ee dalka Koonfur Afrika Jacob Zuma ayaa wajihi doono dacwad kaddib markii lagu eedeeyay 16 eedeymood oo la xiriira musuqmaasuq.

Eedeymahan ayaa salka ku haya heshiis 2.5 bilyan oo doolar uu ku kacayay oo lagu casriyaynayay hubka dalkaasi koonfur Afrika dhammaadkii sagaashameeyadii.

Eedeymahani oo dhammaantood Zuma uu beeniyay ayaa waxaa ka mid ah lunsasho hantiyeed iyo sharciyaynta hanti lagu kasbaday qaab sharcidarro ah.

Zuma oo 75 jir ah ayaa xilka madaxweynenimada dalkaasi isak casilay bishii Febraayo ee sanadkan kaddib markii uu cadaadis xooggan kala kulmay xisbigiisa ANC.

Ka hor inta uusan xilka ka deign waxa uu markii sagaalaad wajahayay cod kalsooni darro ah oo baarlamaanka dalkaasi uu qorsheynayay in uu u qaado.

Dacwad oogaha guud ee dalkaasi Shaun Abraham ayaa sheegaya in uu rumeysan yahay in ay muuqdaan sababo macquul ah oo uu kiiskan uga guuleysan karo Zuma.

Waxa uu intaasi ku daray in shirkad laga leeyahay dalka Faransiiska oo arrintaasi hubka lala xiriirinayo iyaduna ay wajihi doonto dacwad.

Shirkaddan oo lagu magacaabo Thales ayaa ka gaabsatay in ay ka hadasho eedeymahani loo soo jeediyay.

Taariikh nololeedka Zuma oo kooban

Zuma ayaa lagu eedeynayaa in uu laaluush ka qaatay shirkadda Thales si uu u helo hanti nolashiisa ka dhigta mid raaxo leh.

Lataliyihii Zuma ee xilligaasi ayaa lagu helay dambi ah in uu laaluush weydiistay shirkaddaasi sanadkii 2005, arrintaasi oo markii dambe sababtay in Zuma oo xilligaasi ahaa madaxweyne ku xigeen xilka laga qaado.

Eedeymihii ugu horreeyay ee Zuma ka dhanka ahaa ee la xiriiray arrintan ayaa la laalay ka hor inta uusan noqon madaxweynaha Koonfur Afrika sanadkii 2009.

Zuma ayaa ku doodaya in eedeymahani ay yihiin kuwo loo maareeyay si khaldan, waxa uuna dacwad oogaha ku eedeeyay in uu warbaahinta u dusiyay waxyaabo aan loo baahnayn.

Zuma ayaa muddadii sagaalka sano ahayd ee uu xilka hayay waxa uu la kulmay cadaadis iyo eedeymo musuqmaasuq.

 Halkuu ku dambeyn doonaa mustaqbalka madaxweyne Zuma?

Sanadkii 2016, warbixin uu soo saaray xafiiska la dagaalanka musuqmaasuqa ee dalkaasi waxa uu qoyska maalqabeenka ah ee Guptas ku eedeeyay in ay xiriir hoose la leeyihiin Zuma isla markaana ay si sharcidarro ah dowladda uga qaataan qandaraasyo.

Zuma iyo qoyska Guptas labaduna waa ay beeniyeen eedeymahani.

Isla sanadkaasi ayaa maxkamadda ugu sarreysa dalkaasi waxa ay sheegtay in Zuma uu ku tagrifalay dastuurka dalka kaddib markii uu diiday in uu magdhaw ka bixiyo dhaqaale ku baxay dhismaha gurigiisa khaas ah.

Balse Zuma ayaa markii dambe bixiyay qayb ka mid ah lacagtaasi oo gaareysay 23 milyan oo doolar.

COMMENTS
Latest News