Raadgoob.com
Wafti Kala Ah Taliyayaasha Ciidamada Somaliland Iyo Xubno Wasiiro Ah Oo Maanta Safar Ugu Baxay Dalka Imaaradka Carabka + U Jeedka Safarkooda Muxuu Daaran yahay
March 17, 2018 - Written by admin

Wafti culus oo ka socda xukuumada Somaliland ayaa

waxaa ay maanta ka dhoofeen Madaaarka diyaaraha ee magaalada Hargeysa iyaga oo ku sii jeeda Dalka Imaaradka carabta oo uu ku sugan yahay madaxweynaha Somaliland .

Waftigan ayaa kala ah Taliyayaasha ciidamada Ilaalida xeebaha, Booliska , Malatariga iyo Asluubta Sidoo kale waxaa iyaguna waftigan qeyn ka aha wasiirada wasaaraha Xanaanada Xoolaha, Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda, Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland

Ujeedka masuulyiintani ay u tageen dalka Imaraadka ayaa lagu sheegay in ay tahay sidii ay ula soo wada xaajoon lahayeen hawlaha farsamo ee loo baahan yahay inay Somaliland iyo Imaraatku iska kaashadaan.

 

HARGAYSA OFFICE

Maxamed Ducaale Cabdi

raadgoobnews@gmail.com

COMMENTS
Latest News