Raadgoob.com
Dooni Siday Tahriibayaal Oo Ku Qarqoontey Bada U Dhaxaysa Wadanka…
March 18, 2018 - Written by admin

Ilaalada xeebaha ee dalka Giriigga ayaa sheegaya in ugu

yaraan 14 qof oo muhaajiriin ah oo ay ku jiraan afar caruur ah ay dhinteen kadib markii dooni ay saarnaayeen ay ku qarqantay badda u dhaxeeysa Turkiga iyo Greek-gga.

Waxaa la aaminsanayahay in doonida ay saarnaayeen dad kor u dhaafaya labaatan qof iyadoo dadkaa qaarna weli lala’yahay Waxaana socoda baadi goob loogu jiro dadkaasi.

Wasiirka socdaalka ee Giriigga Dimitris Vitsas, ayaa sheegay in dalka Greek-gga uusan raali ka ahayn kana noqon doonin in ay dadka ku dhamaadaan jasiiradda Aegean.

Waxaa uu intaa ku daray in xalka kaliya ee lagu xakameeyn muhaajiriinta uu yahay in la soo saaro taalabooyin laga qaado dadka wax tahriibiya kuwaas oo muhaajiriinta ka caawiya wadooyinka ay maraan.

COMMENTS
Latest News