Raadgoob.com
Shirkada Uber Oo hakisay tijaabadii gaadhiga Isagu iswada ka dib markii ay dhimasho dhacday
March 20, 2018 - Written by admin

Shirkadda takaasida ee Uber ayaa sheegtay in ay hakisay tijaabooyinkii gawaarida iswada ee ay ka samaynaysay dhammaan magaalooyinka Waqooyiga Ameerika ka dib markii uu dhacay shil halis ah.

Haweenay 49 jir ah ayuu gaari ku dhacay oo dhimatay iyada oo goynaysa waddo ku taalla magaalada Tempe ee gobolka Arizona ee dalka Maraykanka.

Inkastoo gawaarida is wadda ay shilal kala duwan sababeen, haddana waxaa loo arkaa in shilkani uu yahay midkii ugu darnaa.

Dara Khosrowshahi oo madax ka ah shirkadda Uber ayaa sheegay in dhimashadani ay ahayd “war naxdin badan”.

Booliisku waxay sheegeen in shilkani uu dhacay habeennimadii Axaddii, gaariguna uu ahaa mid is wada. Balse waxaa isteerinka fadhiyay ruux si uu ula socdo xaaladda.

 

Booliisku waxay sheegeen in haweenayda dhimatay ay ka tallaabaysay goob aan loogu talagalin dadka lugaynaya, waxaa loola cararay isbitaal deegaankaas ku yaallay, halkaas ayayna ku nafbaxday

Waaxda badqabka u qaabilsan wadooyinka waawayn ee Maraykanka iyo waaaxda badqabka gaadiidka ee qaran ayaa sheegay in labadooduba ay kooxo u dirayaan magaalada Tempe.

COMMENTS
Latest News