Raadgoob.com
Goorma Ayey Furmi Doonaan Shanta Horyaal Ee Ugu Waaweyn Qaaradda Yurub Heerkoowad Koowaad, Waase Kuwee Kooxaha Soo Dalacay?
July 23, 2018 - Written by Maxamed Ducaale

Kooxaha qaaradda yurub ayaa ku mashquulsan kulamada fasaxa ee ka hor fasal ciyaareedka, sidaas darteed waxaan idiin soo gudbineynaa waqtiyada ay furmi doonaan shanta horyaal ee ugu waaweyn qaaradda yurub.

Dhamaantood waxey furmi doonaan inta lagu jiro bisha August, balse waqtiyada ayaa kala duwan maadaama mid walba uu dajiyay jadwal u gaar ah.

In ka badan labaatan sano kadib horyaalka Premier League ayaa bilaaban doona iyadoo Arsenal aysan heysan tababarahii shaqada iska casilay ee Arsene Wenger, sidoo kale Cristiano Ronaldo ayaa ka ciyaari doona horyaal aan aheyn La Liga iyo Premier League maadaama uu ku biiray Juventus inta lagu jiray bishaan July.

Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda Premier League wuxuu xirmi doonaa maalmo yar ka hor bilowgiisa, waana xeer ay ku heshiiyeen kooxaha heerka koowaad intii lagu jiray fasalkii lasoo dhaafay.

Advertisement

HORYAALKA PREMIER LEAGUE:

Fasal ciyaareedka cusub ee horyaalka Premier League wuxuu bilaaban doonaa Jimco, Augusst 10, waxaana kulanka ugu horreya la baasan doonaa 10:00 Habeeno iyadoo BT ay baahin doonaan kulanka ugu horreeya fasal ciyaareedka, waxaana xigi doona kulamo la ciyaari doona Sabtida iyo Axadda.

Old Trafford ayaa nasiib u yeelan kara in lagu dhaliyo goolka ugu horreeya xilli ciyaareedka cusub maadaama ay Manchester United iyo Leicester City ku ciyaari doonaan kulanka ugu horreeya.

Horyaalka Premier League waxaa kusoo kordhay kooxaha: Wolverhampton Wonders, Cardiff City iyo Fulham.


HORYAALKA LA LIGA:

Horyaalka La Liga wuxuu bilaaban doonaa 19-ka August, balse berito oo 24-ka July ah ayaa lagu balansan yahay in lasoo saaro isku aadka fasal ciyaareedka.

Sagaal sano kadib waxaa bilaaban doona horyaalka La Liga oo ay ka maqan yahiin Andres Iniesta, Fernando Torres iyo Cristiano Ronaldo kuwaas oo waqti qurux badan ku qaatay horyaalka.

Horyaalka La Liga waxaa kusoo kordhay kooxaha: Rayo Vallecano, Valladolid iyo Heusca.


HORYAALKA SERIE A-DA:

Horyaalka Serie A-da wuxuu bilaaban doonaa midkood 18-ka iyo 19-ka August, waxaana la filayaa inuu markiisii ugu horreysay abid kasoo muuqdo Ronaldo, sidoo kalana wuxuu tabi doonaa Maurizio Sarri oo ka dhaqaaqay Napoli halka Ancelotti uu soo laabtay.

Sida la rajeynayo 26-ka bishaan ayaa lagu dhawaaqi doonaa isku aadka oryaalka.

Horyaalka Serie A-da waxaa kusoo kordhay kooxaha: Empoli, Parma Frosinone.


HORYAALKA BUNDESLIGA:

Bundesliga waxaa la furi doonaa 24-ka August, waxeyna noqon doontaa markii ugu horreysay abid aan lagu arkin Hamburger SV oo heerka labaad u laabatay, kooxdaan tan iyo dagaalkii koowaad ee adduunka oo ah markii la helay uma laaban heerka labaad.

Bayern waxey yeelatay macalin cusub Niko Kovac, waana markiisii ugu horreysay halka Dortmund uu markii ugu horreysay horyaal u bilaabi doono Lucien Favre.

Horyaalka La Liga waxaa kusoo kordhay kooxaha: Fortuna Dusseldorf Iyo FC Nurnberg.


HORYAALKA LEAGUE 1:

Horyaalka France wuxuu bilaaban doonaa 10-ka August, kulanka ugu horreeya waxaa la filayaa iney yeeshaan kooxaha Marseille iyo Toulouse.

Kooxda difaacaneysa horyaalka Paris Saint-Germain waxey 12-ka August la ciyaari doontaa Caen, waana mar la rajeynayo iney soo laabtaan Neymar, Mbappe iyo xidigaha kale ee koobka Adduunka kaga maqnaa.

COMMENTS
Latest News