Raadgoob.com
KASHIFAAD: Wargeyska L’Equipe Oo Banaanka Soo Dhigay In Kylian Mbappe Uu Xanuun Ku Ciyaaray Qeybahii Dambe Koobka Adduunka.
July 23, 2018 - Written by Maxamed Ducaale

Saxaafadda France ayaa soo bandhigtay mid ka mid ah siraha xulka qaranka France u hogaamiyay koobka Adduunka, da’yarka Paris Saint Germain Kylian Mbappe ayaa ku ciyaaray labadii kulan ee ugu dambeeyay xanuun aan lala wadaagin saxaafadda.

Kylian Mbappe oo noqday da’yarkii ugu horeeyay ee finalka koobka Adduunka gool ka dhaliya tan iyo boqorka kubadda cagta Pele, waxaana lasoo warinayaa inuu xanuun ku ciyaaray kulamadii ay ka gudbeen Belgium iyo Croatia.

Wargeyska L’Equipe ee dalka France ayaa shaaca ka qaaday in Kylian Mbappe uu dhabarka xanuun badan ka qabay isla markaana uu ku dhibanaa inuu qubeysto markaay ciyaartoyda joogaan hotel-ka.

“Marka uu ka kaco sariirta si uu qubeys u aado, wuxuu dareemayay xanuun daran, kadibna waxaa laga maqlayay cod taah ah ka hor inta uusan fariisan” ayaa qoraalka la baahiyay lagu sheegay.

Shaqaalaha tababarka France ayaa ogaaday dhibaatada xiddigaan, balse wey qariyeen si aysan u abuurin daciifnimo ku timaada xiddigaan, waxeyna aheyd khiyaanadii ay ku badbaadiyeen xiddiga da’da yar maadaama uu dhibane u noqon lahaa ciyaartoyda kasoo horjeeda hadii ay ogaadaan halka uu ka daciifsan yahay.

Kylian Mbappe wuxuu ka dhaliyay tartanka koobka Adduunka kaliya 4-gool, wadamada Argentina, Peru iyo Croatia ayuuna shabaqa kasoo taabtay.

COMMENTS
Latest News