Raadgoob.com
Cristiano Ronaldo Oo Hogaaminaya 10-ka Ciyaartoy Ee Lacagaha Ugu Badan Ka Hela Warbixinada La Dhigo Instagram-ka – Halkee Ayey Messi & Neymar Kaga Jiraan Liiska?
July 28, 2018 - Written by admin

Shaqsiyaadka caanka ah faa’iido fiican ayey ku qabaan isticmaalka Baraha bulshada gaarahaan barta Instagram-ka, sidaas darteed waxaa lasoo saaray tobanka ciyaartoy ee lacagaha ugu badan ku hela halka warbixin oo ay dhigaan.

Ciyaartoyda kaliya maahan kuwa kubadda cagta waa nuuc walba oo ciyaar ah, sidaas darteed liiskaan waxaa kasoo muuqday saddex ciyaartoy oo aan aheyn kuwa kubadda cagta, balse magaca ciyaartoyda ay wadaagaan waana Stephen Curry oo aad loogu qadariyo ciyaarta Kubadda Koleyga, Virat Kohli oo ah xiddig ka tirsan xulka qaranka India kuna dheereeya ciyaarta Cricket-ka iyo xiddiga feertama ee Conor McGregor.

Weeraryahanka Juventus Cristiano Ronaldo ayaa hogaaminaya liiskaan kaas oo halkii warbixin ee uu dhigo Instagram-ka ka hela Adduun dhan 750,000 kun oo Dollar, sidoo kale Lionel Messi ayaa kasooo galay liiskaan kaalinta saddexaad wuxuuna halka warbixin ka helaa 500,000 kun oo Doolar.

Sheekada xiisaha badan waxey tahay in 7-da xiddig ee ugu horeeya ay yahiin kubadda cagta lagana helo David Beckham oo goor hore ka hawlgabay kubadda cagta, balse ka mid ah shaqsiyaadka sameeya xayeysiimaha kuwooda ugu caansan dunida.

LIISKA TOBANKA CIYAARTOY:

Stephen Curry (Kubadda Koleyga) $ 110,000 Kun Doolar

Virat Kohli (Ciyaarta Cricket-ka) $120,000 kun Doolar

Connor McGregr (Ciyaarta UFC) $125,000 kun Doolar

Luis Suarez (Kubadda Cagta) $150,000 kun Doolar

Zlatan Ibrahiamovic (Kubadda Cagta) $175,000 kun Doolar

Gareth Bale (Kubadda Cagta) $185,000 kun Doolar

David Beckham (Kubadda Cagta) $300,000 kun Doolar

Lionel Messi (Kubadda Cagta) $500,000 kun Doolar

Neymar Junior(Kubadda Cagta) $600,000 kun Doolar

Cristiano Ronaldo(Kubadda Cagta) $750,000 kun Doolar

COMMENTS
Latest News