Raadgoob.com
Warbixin: Matteo Darmian Oo Xaqiijyey In Uu Doonayo Ka Tegidda Manchester United
July 28, 2018 - Written by admin

Matteo Darmian waxa uu xaqiijiyey in uu doonayo ka tegidda Manchester United sababo la xiriira in uu doonayo safka kowaad koox uu u dheelo.

Laacibka Italy waxa uu hoos uga dhacay xulasha Old Trafford isaga oo ku soo blowday shan ciyaarood oo Premier League ah ol’olahii hore.

Jose Mourinho waxa uu xaqiijiyey dhawaan in Darmian uu iib yahay, laakiin ma jirin sida uu sheegay koox bixinta lacata ay Red Devils ku iibineyso.

“In aan tago waa waxa aan rabo, laakiin waan arki doonnaa waxa dhaca maxaa yeelay ma naqaan,” ayuu Darmian u sheegay  Manchester Evening News.

Advertisement

“Waxaan rabaa in aan si joogta ah u dheelo.

“Ol’olihii hore wax badan ma dheelin – taas oo yoolkeyga iyo himiladeyda. Taas waa sababta aan mustaqbalkeyga ugala hadlay tababaraha iyo kooxda.

“Daacaddii, waan sugayaa. Haddii aan joogo, oo aan sameyo wax ilaa hadda aan sameeyey. Haddii aan tago, waxaa wanaagsan dalabka ay kooxda I dooneysa soo gudbiso.

“In aad u dheesho kooxda ugu wanaagsan aduunka waa wax fiican anna sharaf ayey ii tahay in aan halkan ka ciyaaray iyo Manchester United. Laakiin waa in aan go’aan ka qaadanno nolosheena taasna waxa ay ahayd go’aankeyga.”

Darmian kooxaha lala xiriirinayo waxa ka mid ah Juventus iyo Inter Milan

COMMENTS
Latest News