Raadgoob.com
Waa Maxay Sabata Dadku U Dareemaan Gaboowga Iyaga Oo Da’yar?
August 6, 2018 - Written by admin

Inta badan dadku waxay dareemaan da’ ka yar ama ka badan tooda saxda ah – da’daan ay niyadda ku heystaanna waxay saameyn weyn ku leedahay caafimaadkooda jir ahaan iyo maskax ahaanba

Bal ku fikir, muddo kooban, in aadan lahayn warqad dhalasho oo lagu fahmi karo da’daada balse da’daada ay ku saleysantahay hadba sida aad adiga ka dareemeysid niyadda. Imisa sano ayaad sheegan lahayd?

Isla sida aysan isku baddalin dhirirkaaga iyo cabirka kabahaaga oo kale, tirada sannadaha lasoo dhaafay tan iyo markii aad dunida timid iyana waa xaqiiq aan is baddalin. Laakiin maalin walba khibraddu waxay muujisaa in aynaan badanaa isku si u arkin da’da, iyadoo dad fara badanna ay dareemaan in ay ka weynyihiin ama ka yaryihiin da’dooda rasmiga ah.

Waxaa soo badanaya seynisyahannada daneynaya arrintaan. Waxay ogaanayaan in ‘da’da aad iska aaminsantahay’ ay muhiim u noqon karto sidii aad ku fahmi lahayd sababta ay dadka qaar ugu muuqdaan in ay ka duqsanyihiin da’da ay jiraan – kuwo kalena ugu muuqdaan in ay sii yaraanayaan. “Arrinta ku saabsan in dad ay da’dooda weyntahay ay dareemaan dhallinyaro-nimo waxaa sabab u noqon kara tallaabooyinka muhiimka ah ama go’aannada nolosha ee ay qaataan maalin walba,” sidaas waxaa yiri Brian Nosek oo ka tirsan jaamacadda Virginia.

Muhiimaddeeda halkaas kuma eka. Daraasado fara badan oo la sameeyay ayaa xitaa muujiyay in da’da aad iska aaminsantahay ay xitaa saadaal ka bixin karto xaalado caafimaad oo muhiim ah oo aad mari doontid, taasoo ay ku jirto halista ku aaddan dhimashadaada. Marki siyaabo badan oo sax ah loo eegana, runti da’daadu ‘waa kaliya midda aad dareemeysid inaad jirtid’.

Marba haddii la hayo natiijooyinkaan macquulka ah, dad badan oo cilmi baareyaal ah waxay hadda isku dayayaan in ay soo saaraan habab badan oo culuumta caafimaadka iyo seyniska ah oo lagu ogaan karo qaabka qofeed iyo khibradda shaqsiyadeed ee kororka da’da, iyo sida uu cilmigaan nooga caawin karo inaan wakhti dheer farxad ku waarno, caafimaad dheeri ahna helno.

Fahamkaan cusub ee ku aaddan habka koroka da’da waxa uu soo socday muddo tobannaan sano ah. Qaar ka mid ah daraasadihii lagu sameeyay farqiga u dhexeeya da’da la dareemo iyo da’da rasmiga ahna waxay soo baxeen sannadihii 1970-meeyadii iyo 1980-meeyadii. Haddase waxaa batay dhinacyada daneynaya arrimahaan.

Waxaa 10-kii sano ee ugu dambeeyay si is daba joog ah usoo baxayay daraasado cusub oo lagu odorosay arrimahaas iyadoo la adeegsanayay xirfadaha cilmi nafsiga iyo iyo indho-indheynta muuqaallada dadka ay quseyso cilmi baaristu.

Mid ka mid ah sababaha ugu waaweyn ee cilmi baaristaan waxay faah-faahisay sida ay isku waafaqsanyihiin shakhsiyadeenna iyo da’da aan iska aaminsannahay.

.
Lahaanshaha sawirka.

Hadda waxaa la isku wada raacsanyahay in dadku ay jeclaan lahaayeen muuqaal dhallinyaro-nimo ah inta ay sii weynaanayaanba.

Hase ahaatee, tan kale ee muhiimka ah waa in dadka aaminsan da’da ka yar da’dooda rasmiga ah ay sidoo kale noqdeen kuwo jecel in ay howlaha ku caawiyaan dadka kale isla markaana aysan la fajicin isbaddalka dabiiciga ah ee ay dareemaan marka ay sii kororto da’dooda.

Sidaas awgeed waxa ay wali u muuqdaan kuwo hela xigmaddooda iyo waayo aragnimadooda nolosha.

Balse tamartooda dhanka awoodda marnaba si toos ah ulama mid noqoto midda ay leeyihiin dadka dhallinyarada saxda ah.

Inaad dareento da’ ka yar da’aada caadiga ah waxay sidoo kale u muuqataa mid kaa yareyneysa halista ku aaddan isku buuqitaanka iyo dhibaatooyinka dhanka maskaxda inta aad sii weynaaneysaba. Waxay sidoo kale ka dhigantahay caafimaad qab fiican oo xagga jirka iyo maskaxdaba ah.

Yannick Stephan oo ka tirsan jaamacadda Montpellier ayaa daraasaddaan sameeyay isagoo macluumaad ka qaatay dad kor u dhaafaya 17,000 oo ruux oo isugu jira dad da’ dhexaad ah iyo kuwo gaboobay.

Inta badan dadku waxay dareemayeen da’ ilaa siddeed sano ka yar da’dooda rasmiga ah. Laakiin qaar waxay dareemeen in ay da’ noqdeen. Xaddi dhan 18-25% ayay daraasaddu ku qeexday in ay dareemeen da’ ka badan da’dooda caadiga ah taasoo ah inta u dhaxeysa 8 ilaa 13 sano, waxayna sheegtay in ay kuwaasi halis ugu jiraan xaalado caafimaad darro iyo xitaa dhimasho.

In niyadda lagu heysto da’ yar waxa ay qofka ka caawineysaa in ay farxaddiisa siyaaddo sida uu qabo Stephan.

.
Lahaanshaha sawirka.

Hase ahaatee arrinta kusaabsan in qofka xaaladdiisa fiican ee jir ahaan iyo maskax ahaan ay ku xirantahay in uu dareemo da’da uu iska aaminsanyahay waxa ay sidoo kale quseysaa dhanka kale oo ah in haddii uu qofku dareemo culeys nafsadeed iyo hilmaam badan uu markaas u baahanyahay in uu aamino da’ ka weyn da’diisa rasmiga ah.

Daraasadda Stephan oo hadda ku daabacan wargeyska Psychosomatic Medicine waxay noqotay daraasaddii ugu weyneyd uguna saameynta badneyd ee laga sameeyo arrimahaas. “Cilmi baaristaan waxaa lala barbar dhigi karaa ama ay kasii xoog badantahay kuwa horay looga sameeyay dhanka da’da,” ayuu yiri Stephan.

U dhig si kale: Da’da aad iska aaminsantahay waxay saadaal uga bixin kartaa xaaladdaada caafimaad si ka fiican sida ay uga bixin karto warqaddaada dhalashada ee ay ku xusantahay da’daada rasmiga ah.

Iyadoo tan maskaxda lagu heysto, ayay seynisyahanno fara badan isku dayayaan in ay macluumaad dheeraad ah kasii ogaadaan arrimahaan si ay u suurta gasho in lala qabsado. Goormaan billaabeynaa inaan dareenno sida ay u shaqeeyaan maskaxdeenna iyo jirkeenna? Sideyse ku dhacaan waxyaabahaas?

Isagoo kaashanaya Nicole Lindner(oo qudhiisa ka tirsan jaamacadda Virginia), ayuu Nosek baaritaan ku sameeyay siyaabaha ay xiriirka u leeyihiin da’da la iska dhaadhiciyo iyo midda saxda ah. Sida aad filan kartid, inta badan carruurta iyo da’ yarta waxay dareemaan da’ ka weyn da’dooda saxda ah. Laakiin arrintaan waxay isku badashaa dhanka kale marka ay gaaraan qiyaastii 25 sano, markaasoo da’dii ay dareemaayeen lasoo dhaafay.

Marki ay soo gaaraan 30 sano, ku dhawaad 70% dadku waxay dareemaan da’ ka yar da’dooda rasmiga ah. Arrintaanna way sii socotaa inta uu qofka noolyahay. Sida ay Nosek iyo Lidner qalinka ku duugeen, “Da’da la aamino waxay u muuqataa mid lagu xisaabo waqtiga jawi ee meeraha Mars, halkaasoo tobankii sano ee meeraha dhulka ah ay la mid tahay 5.3 sano”.

“Arrintani waa mid nala koreysa, waxayna xoogaa yar ka ka hooseysaa sida aan hadda dareemeyno” ayuu yiri Nosek.

Daraasadahaasi waxa ay fikrad naga siinayaan inaan eegno sida jirkeenna iyo maskaxdeenna ula shaqeeyaan xilliga kusii kordhaya da’deenna. Da’ kasta oo aad tahay waxay ku xirantahay sida ay kuu quseyso daraasadda iyo dhanka aad uga qumantahay adiga.

COMMENTS
Latest News