Raadgoob.com
Diego Godin Oo Daaha Ka Rogay Sababtii Uu Isaga Diiday Dalabkii Uga Yimi Manchester United
August 15, 2018 - Written by admin

Diego Godin waxa uu sheegay in uu isaga diiday dalabkii uga yimi Manchester United sababo ‘Shaqsiyadeed”.

United waxa ay dalab ka gudbisay 32 jirka gabagabadii suuqa kala iibsiga Ingiriiska iyada oo diyaar u ahayd iy bixiso qiimihii lagu jabin karay qandaraaska uu kula jiro Atletico Madrid oo ahayd €25 million (£22.5m).

Mourinho waxa uu suuqa ka baadi goobayey daafac dhexe oo khibrad leh, Godin ayaa uga jabnaa bartilmaameedkiisii kowaad Toby Alderweireld kaas oo lagu qiimeenyey £70m.

Laakiin laacibka reer Uruguay waxa uu iska diiday fursaddii uu ugu biiri lahaa Old Trafford.

Mourinho waxa uu aad uga carooday dhaqankii wakiilka Godin oo xiisaha Man United u adeegsaday in Uruguay-yanka loogu kordhiyo mushaarka uu ka qaato Atletico Madrid.

Laakiin Godin waxa uu ku adkeystay in uusan wali saxiixin qandaraas cusub oo Atleti ah.

“Wali ma cusbooneysiin,” ayuu yiri Godin oo hadlayey kahor kulanka caawa ee ay Real la dheelayaan EUFA Super Cup-ka.

“Dalabyo wey I soo gaareen, walow aan sababo shaqsiyadeed u go’aan u garay hadana waxaan ka fekeraa oo kaliya fiinaalaha.

“Laakiin wali ma dheereyn qandaraaskeyga.

COMMENTS
Latest News