Raadgoob.com
Waqtiga Lasoo Bilaabay, Marxaladahii Uu Soo Maray, Sida Loogu Kala Guuleystay & Xogo Badan Oo Ku Saabsan Koobka UEFA Super Cup Ee Caawa La Ciyaarayo.
August 15, 2018 - Written by admin

Tartanka UEFA Super Cup waa tartan sanadle ah oo ay agaasimeen xiriirka kubadda cagta qaaradda yurub ee UEFA, waxaana loogu talagalay in la dhex dhigo labada kooxood ee ku kala guuleystay labada tartan ee dhanka kooxaha ugu waaweyn (Champions League iyo Europa League), waxaana mar walba lagu aadiyaa bartamaha August.

Aan fiirino bilowgii tartanka, marxaladahii u soo maray iyo waxyaabo badan oo khuseeya tartanka xiisaha badan leh UEFA Super Cup oo ay caawa ku wada dagaalami doonaan labada kooxood ee isku magaalada ah Real Madrid iyo Atletico Madrid.

Tartankaan waxaa la bilaabay 1972, balse 1973 ayuu noqday mid rasmi ah, waqtigaas laga soo bilaabo ilaa sanadkii 1999 koobka waxaa la dhex dhigi jiray kooxaha ku kala guuleysta tartamada European Cup/Champions League iyo Cup Winner’s Cup, balse markii tartanka Cup Winner’s Cup la baabi’iyay waxey UEFA garatay in la dhex dhigo koobka kooxahii ku kala guuleysta Champions League iyo UEFA Cup oo sanadkii 2009 loo badalay Europa League.

Koobkaan waxaa difaacanaya Real Madrid oo 2-1 kaga qaaday sanadkii hore koobka kooxda Man United, labada kooxood ee ugu guulaha badan tartankaan waa Barcelona iyo Ac Milan kuwaas oo ku guuleystay tiro shan jeer ah.

Marka dib loo raaco taariikhda, koobkaan maahan aragti ka timid xiriirka UEFA, waxaa ku fikiray Anton Witkamp oo ahaa wariye ka tirsan wargeyska ugu caansan dalka Holland ee Telegraaaf. Aragtidaan wuxuu keenay waqti ay kooxaha reer Holland heysteen yurub gaar ahaan kooxda Ajax.

1971 ayuu soo jeedin sameeyay wariyihii reer Holland Anton Witkamp kaas ooa ifka ka tagay sanadkii 2011, balse waxaa diiday Madaxweynahii xilligaas ee UEFA.

Nasiib wanaag waxaa koobka si aan rasmi aheyn loo qabtay 1972, Rangers ayaa laga ganaaxay guud ahaan yurub kadib markii ay si xun u dhaqmeen jamaahiirtooda final-kii UEFA Cup Winner’s Cup ee sanadkaas taasoo natiijada qorshahii tartanka ka dhigtay mid aan si rasmi ah loo ciyaarin, laba lugood ayaa la ciyaaray waxaana dhaqaalaha bixiyay wargeyska Telegraaf, Ajax ayaana 6-3 ku dishay Rangers.

Si kastaba sanadkii xigay 1973 ayey UEFA si rasmi ah u qabatay, waxaana markaas final-ka wada ciyaaray kooxaha Ac Milan & Ajax – isku cel-celis ahaan kooxdii reer Holland ayaa ku guuleysatay 6-1.

Tartankaan intii u dhaxeysay 1998 ilaa 2012 waxaa final-kiisa lagu qabanayay garoonka ay leedahay kooxda As Monaco ee Stade Louis II, balse wixii markaas ka dambeeyay UEFA waxey keentay qorshe fiican oo saacidaya dhamaan wadamada yurub maadaama si wareeg ah loogu wareejin doono magaalooyinka sanad walba.

COMMENTS
Latest News