Raadgoob.com
Warbixin: Zinedine Zidane Waxa Uu Isha Ku Hayaa Oo Ka Go’an In Uu Jose Mourinho Ka Bedelo Manchester United Ol’olaha Dambe
August 15, 2018 - Written by admin

Tababarihii hore ee Real Madrid, Zinedine Zidane ayaa lagu soo warramayaa in uu shaqada Mancehster United ka bedelo Jose Mourinho xilli ciyaareedka dambe.

Zidane kuma biirin koox kale tan iyo markii uu ka tegay dhammaadkii ol’olihii hore Real Madrid oo uu u horseeday hanashada saddex Champions League oo xiriir ah.

Waxaa jiray xan sheegeysa in uu qaban doono xulka France koobka aduunka kaddib laakiin Didier Deschamps ayaa hadda u muuqda in uu sii hoggaamin doono Les Blues maadama uu la qaaday koobkii aduunka.

Zidane waxa uu hadda shiishka saartay Premier League gaar ahaan maamulidda Mancehster United sida ay warisay L’Equipe.

Jose Mourinho waxaa soo maray xilli xun intii la isu diyaarinayey ol’olahan hadda bilowday isaga oo aad uga cawday dhaq dhaqaaqa suuqa ee Manchester United waxa ayna is hayaan ku xigeeka madaxa fulinta ee kooxda Ed Woodward.

Marka laga yimaado saddexda Champions League, Zidane waxa uu sidoo kale ku guuleystay HAL La Liga iyo laba koobka kooxaha aduunka intii uu joogay kooxda reer Spain.

COMMENTS
Latest News