Raadgoob.com
Halyayga Reer Brazil Iyo Kooxda Barcelona Ee Rivaldo Oo Real Madrid Kula Taliyay In Ay Haddaba Ku Kalsoonaadaan Awooda Ciyaareed Ee Da’yarka Vinícius Jr.
August 24, 2018 - Written by admin

Halyeeyga reer Brazil iyo kooxda Barcelona Rivaldo ayaa aaminsan in waqtigan xaadirka ah ay u muuqato inay ku haboon tahay in laacibka ay isku dalka kasoo wada jeedaan ee Vinícius Júnior uu kasoo muuqdo kooxda Real Madrid.

Vinícius Júnior ayaa yimid garoonka Santiago Bernabeu inta lagu gudi jiro suuqan xagaaga, kadib markii uu kaga soo biiray kooxda reer Brazil ee Flamengo heshiis ku kacay 45 million euros, taasoo ka dhigtay laacibkii labaad ee ugu qaalisan taariikhda xidigaha reer Brazil, kadib Neymar Jr.

Rivaldo ayaa ka hadlay mustaqbalka laacibka ay isku dalka yihiin Vinícius Júnior oo aan kala ogeen sida uu noqon doono wuxuuna yidhi: “Waa in Julen Lopetegui uu qeyb kaga dhigaa Vinícius Júnior kulamada ay Real Madrid haatan ciyaareyso, waa xiligii ku haboonaa, bilawga xili ciyaareedka ayaa ka wanaagsan, xiliga diyaar garowga, sidaas darteed cadaadiska ma ahan mid aad u xoogan”.

“Marka ay kulamada waaweyn yimaadaan, waa wax dhib badan, go’aanka ah inuusan ciyaarin waxay ku laabaneysa tababaraha kooxda, bad qabkiisu waxay ahayd inuu u ciyaaro Flamengo xili ciyaareed kale, waa ciyaaryahan aad u wanaagsan wuxuuna taasi u cadeyn doonaa jamaahiirta xili dhow”.

Si kastaba Real Madrid ayaa bishii May ee sannadkii hore ku dhawaaqday inay heshiis la gaartay Flamengo, kasoo ku aadan Vinícius Jr, waxayna kala soo saxiixatay aduun dhan  45 milyan oo euros, wuxuuna da’ayarkan xili ciyaareedkii lasoo dhaafay maaliyada kooxdiisa hore kusoo dhaliyay 10 gool, wuxuuna doonayaa in uu waayo wanaagsan ku qaato garoonka Santiago Bernabeu.

COMMENTS
Latest News