Raadgoob.com
Qof Ka Tirsanaa Shaqaalaha Dowlada Soomaaliya Oo Muqdisho Lagu Dilay
September 11, 2018 - Written by admin

Rag bastoolado ku hubeysnaa ayaa toogasho ku dilay meel aan ka fogeyn hoygiisa magaalada Muqdisho subaxnimadii hore ee saakay xubin ka tirsanaa shaqaalaha wasaaradda Qorsheynta dowladda Soomaaliya.

Qofkan toogashada lagu dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cumar Xassan Ganey sida ay warbaahinta u sheegeen dad ay ehel dhaw yihiin.

Ragga toogashada geystay ayaa lagu waramayaa in ay dhowr xabadood ku dhufteen marxuumka xili uu ka soo baxay gurigi uu ka deganaa degmada Hodan ee gobolka Banaadir, gaar ahaan xaafadda KPP.

Kooxda toogashada geysatay ayaa markii danbe goobta ka baxsatay, waxaana gaadhay halkaas ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo goobta baadhitaanno ka sameeyay.

COMMENTS
Latest News