Raadgoob.com
Koru Kaca Iyo Isbedelka Ku Dhacay Isku socodka Hargaysa Iyo Jigjiga (WARBIXIN QOTO DHEER)
September 12, 2018 - Written by admin

 Tan iyo intii isbedelku ka dhacay deegaanka Soomaalidda Itoobiya waxa isku furmay isku socodkii shacabka Hargeysa iyo Jigjiga, taas oo keentay in dad faro badan oo aan awal hore u tagi jirin ay u xiisaan inay jigjiga booqdaan.

Bulshada qaybaheeda kala duwan ayaad ku arkaysa magaalo xuduudeedka Wajaale, kuwaas oo ku sii jeeda JIgjiga, isla markaana xiisaynaya inay booqdaan, waxaanay dadku ku faraxsan yihiin isbedelka dhacay iyo sida aanay uga cabsoonayn inay meesha ay doonaan tagaan.

Waayadii hore way adkayd in magaaladda Wajaale xadku dhexmaro aad usoo gudubto dhinaca Itoobiya, taas oo aad halis ugu jirto in markiiba lagu xidho, sidaas darteed dadku may dhaafi jirin dhinaca Somaliland.

Sidoo kale, waxa mamnuuc ahayd in gaadiidka isku talaabaan oo alaab ka soo qaadaan Dhinaca Wajaale ee Somaliland taas oo la baadhi jiray mararka qaarkoodna la dhici jiray dadka ganacsatadda ah ee Wajaale alaabta ka soo rarta, haseyeeshee hadda arrimahaasi way is bedeleen oo gaadiidku toos bay iskugu talaabayaan, iyadoo alaabo ka soo iibsanaya suuqa weyn ee Wajaale ayey u gudbayaan ilaa JIgjiga.

Wajaale ilaa jigjiga waxay waagii hore ka jiray kantaroolo dadka lagu silcin jirey oo lagu baadhi jirey,isla markaana marar badan dhacday in la iska xidho, haseyeeshee hadda si fudud baad iskaga gudbi kartaa.

“waxaan ka imid Jigjiga waxaana u tagay inaan iska booqdo, waxaan xiisaynayey isbedelka ka dhacay oo waagii hore way adkayd in la isku gudbo adigoo xiitaa sharci haysta ayaa lagu cadibi jirey oo mararka qaarkood laga jarjari jirey, hadase si fudud baad iskaga talaabaysaa cid wax ku odhanaysaana ma jirto”ayuu yidhi Axmed Yuusuf oo ka mid ah dhalinyaro booqasho ku tagtay Jigjiga.

Wajaale iyo Jigjiga waxa loo kala socdaa afartan daqiiqo, isla markaaana nooliguna aad u jaban yahay, taas ayaa keenaysa in dadku booqdaan qaarkoodna intay galinka hore tagaan ka dambe ka soo laabtaan.

Intaad joogto Wajaale waxaad arkaysa shacab faro badan oo sii socda iyo kuwo soo socda, kuwaas oo baabuurtu daqiiqadaba aanu taagnayn ee markiiba uu Busku dhaqaaqayo shacabka badan ee raacaya awgeed.

Wajaale waa suuq weyn oo ay wax ka iibsadaan Soomaalida deegaanka iyo qoomiyada Oromada, waana labadda qoomiyeed ee aad ugu xidhan Somaliland ee mar walba usoo talaaba dhinaca Somaliland, qaarkood Hargeysa usoo dhaafaan maadama oo Wajaale iyo Hargeysa wax badan kala fogeen oo qiyaas ahaan isku jiraan wax ka yar saacad.

COMMENTS
Latest News