Raadgoob.com
Maxaad Ka Ogtahay Xaalada Madaxwaynii Hore Ee Deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar
September 12, 2018 - Written by admin

Maxkamadda Cabdi Maxamuud Cumar Goorma Ayaa La Gaynayaa

Jimcaha soo socda ayaa loo ballansan yahay dhagaysiga labaad ee dacwadda ka dhanka ah Cabdi Maxamuud Cumar iyo dadka la xiran.

Ehelka Cabdi ayaa sheegay in loo diiday inay qaataan damaanad uu banaanka ku joogo inta dacwaddu ay socoto.

Maxkamaddii hore ee la saaray ayaa ogolaatay in 14 maalmood xabsiga lagu hayo inta la dhamaystirayo caddaymo ay dacwad oogayaashu maxkamadda hor keeni doonaan.

Jimcaha ayaa la filayaa in maxkamadda mar kale la hor keeno\
Jimcaha ayaa la filayaa in maxkamadda mar kale la hor keeno

Maxaa loo haystaa?

Taliyaha Booliska itoobiya, Zeyinu Jemal, ayaa hore u sheegay in Cabdi Maxamuud Cumar loo haysto rabshadihii magaaladda Jigjiga ka dhacay afartii bishii Agoosto, rabshadahaas oo dad badan ay ku dhinteen laguna gubay dhismaha kaniisad magaalada ku taalla iyo hanti kaleba.

Rabshadahaas ka sokow, dacwad oogayaashu waxay diyaarinayaan eedeymo kale oo dheeraad ah.

Yaa la xidhan Cabdi Maxamuud Cumar?

Shan xubnood oo maamulkii hore ka tirsanaa maamulka dawlad-deegaanka ayaa la xiran Cabdi Maxamuud Cumar, Mid ka mid ah xubnahaasina waa Raxmo Maxamuud Haybe oo muddo dheer ahayd Wasiirka Haweenka.

Dhamaan xubnahan ayaa loo haystaa sida horay loo sheegay kicinta dhalinyaro Jigjiga joogta oo gaystay “dhibaato, dil iyo khasaare kaleba leh”.

Dooda Baraha Bulshada

Baraha Bulshada ayaa waxaa ka socda olole xoogan oo iska soo horjeeda. Dadka qaar ayaa aaminsan in Cabdi Maxamuud Cumar uu mudan yahay in dacwadahan lagu qaado, halka kuwo kalena ay aaminsan yihiin inay qalad tahay in Cabdi Maxamuud Cumar sidan loola dhaqmo.

Ra’yi kala duwanaanshaha dadweynaha ayaana keenay in si weyn loogu doodo baraha bulshada, walow maamulka Dowlad-deegaanka uusan weli ka hadlin dawcada ka dhanka ah Cabdi Maxamuud Cumar iyo xubnaha kale ee la xiran.

Eedeymo culus ayaa la sheegayaa in lagu haysto Cabdi Maxamuud Cumar
Eedeymo culus ayaa la sheegayaa in lagu haysto Cabdi Maxamuud Cumar

  Eedihii hore

Cabdi Maxamuud Cumar oo Dowlad-deegaanka madaxweyne ka ahaa mudo tobon sano kudhow ayaa marar badan waxaa lagu eedeeyey xadgudubyo xagga xuquuqul insaanka ah.

Warbixintii u dambaysay ee hay’adaha xuquuqul insaanka ay soo saareenna waxaa lagu sheegay in jeelka weyn ee Jeel Ogaadeen loo yaqaano laga gaystay dhib badan oo maxaabiista ku dhacay.

Ka dib waxaa xaaladda faragelin ku sameeyey mileteriga dowlada dhexe, waxaana la beddelay inta badan maamulkii Cabdi Maxamuud Cumar la soo shaqeeyey.

Dowlad Deegaanka waxaa hadda sii haye Madaxweyne ka ah Mustafa Muxumed Cumar (Mustafe Cagjar) oo ka mid ahaa ragga sida weyn uga soo horjeeday xukuumaddii Cabdi Maxamuud Cumar.

Shidaalka deegaanka laga helay ayaa aaggaas ka dhigay mid muhiimad gaar ah leh
Shidaalka deegaanka laga helay ayaa aaggaas ka dhigay mid muhiimad gaar ah leh

Dowlad Deegaanka Maxaa muhiim ka dhigay?

Deegaanka Soomaalida ayaa muddooyinkan dambe waxaa laga helay shidaal, gaar ahaan deegaanka gobollada Shabeelle iyo Qorraxeey, shidaalkaasina waxuu deegaanka ka dhigay in loo hanqal taago.

Inkastoo aan weli heshiis cad laga gaarin sida khayraadkaasi loo wadaagayo hadana isbeddellada xagga maamulka ee guud ahaan Itoobiya ka dhacay ayaa keenay in deegaanka uu muhiimad gaar ah yeesho.

Waxaa sidoo kale heshiis nabadeed uu u socdaa ururka ONLF oo muddo dheer deegaanka dagaal ka waday iyo dowladda Itoobiya.

Balse waxaa wax walba la kala ogaan doonaa muddada sannadka iyo barka ah ee doorashada guud ee dalkaasi ka dhiman.

COMMENTS
Latest News