Raadgoob.com
Baarlamaanka Galmudug Oo Xilkii Ka Qaaday Guddoomiyihii Barlamaanka Cali Gacal Casir
September 13, 2018 - Written by admin

Wararka ka imaanaya degmada Dhuusa-Mareeb ayaa sheegaya in xildhibaanno halkaa fadhi ku yeeshay xilkii ka qaadeen guddoomiyihii baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir oo ku sugan magaalada Muqdisho.

Xildhibaanno tiradooda lagu sheegay 147 oo kulan ku yeeshaan magaalada Dhuus-Mareeb ayaa 146 waxaa ay u codeeyeen in codka kalsoonida lagala noqdo guddoomiyaha.

Cali Gacal Casir ayaa isaga oo jooga magaalada Muqdisho ka sheegay in uusan aqoon-saneyn xildhibaanno ku sugan Dhuusa-Mareeb, isaga oo sheegay in xarunta baarlamaanka Galmudug tahay degmada Cadaado.

Lama oga rasmi ahaanshaha tiradan la sheegay in ay u codeeyeen xil ka qaadista guddoomiyaha, hasse ahaatee dhawaan ayaa la sheegay in xildhibaanno gaadhaya 89 mudane mooshin ka keeneen guddoomiyaha.

Sikastaba ha ahaate gudoomiyha xilka laga qaaday maanta ee Cali Gacal Casir ayaa waxaba kama jiraan ku til maamay xilkaas laga qaaday maanta halka xildhibaanadii xilka qaadayna ay ku doodayaan inay xilkii gudoomiyenimo ay ka qaaden Cali Gacal Casir

COMMENTS
Latest News