Raadgoob.com
Dib u Dhac ku yimid ku Soo Laabashada Dalka Eritrea Ee Urur Goboleedka IGAD
September 13, 2018 - Written by admin

Waxaa dib u dhacay ku soo laabashada ay Eritrea ku soo laaban lahayd xubinnimadeedii urur goboleedka IGAD ee la filayey in ay maaalintii shlay ahayd dhacdo, sida uu qorshuhu ahaa.

Wafdiga Eritrea ayaan imaanin madasha shirka.

Waxaa kale oo aan soo xaadirin madaxweyni dalka Eritrea Isaias Afwerki.

Eritrea iyo madaxda dalalka IGAD midkoodna kama uusan hadlin.

Laakinse xoghayaha guud ee IGAD, Maxbuub Macallim oo BBC la hadlay ayaa yidhi “waa arrin wakhti uun ku xidhan. Heshiisku wuu dhacay, waxaa kaliya ee dhiman in lagu dhawaaqo”. ayuu yidhi xoghayaha guud ee IGAD

Riek Machar iyo Salva Kiir ayaa gabagabadii shirka heshiis ku saxiixay

Shirka ayaa lagu soo gunaanaday xaflad ay heshiis awood qaybsi ah qalinka ku wada duugeen madaxweyanaha South Sudan, Salva Kiir, iyo ku xigeenkiisii hore ee uu dagaalka dhex maray, Riek Machar, kaasoo lagu so afjarayo 5 sano dagaal ahli ah uu waddankaas ka socday.

Heshiiska ayaa dhigaya in Mr Kiir uu ahaan doono madaxweynaha, halka Mr Machar uu ka mid nboqon doono shan madaxweyne ku xigeen.

COMMENTS
Latest News