Raadgoob.com
Cabdi Maxuud Cumar Oo Maanta Maxkamada Ka Soo Muuqday
September 14, 2018 - Written by admin

Madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar ayaa mar kale maanta ka soo hormuuqday maxkamd isaga oo ku eedeysan danbiyo kala duwan.

Laakiin maxkamada ayaa markii danbe dhageysiga dacwadiisa dib u dhigtay muddo 14 cisho ah oo jeelka lagu sii heyd doono, waxaana uu ku eedeysan yahay danbiyo isugu jira jir dil iyo ku takri fal awoodeed, eedahaas oo uu isagu beeniyay in uu geystay.

Qoyskiisa ayaa dhawaan waxaa ay ku eedeeyeen ciidamada gacanta ku haya amnigiisa in ay si arxan darro ah u jir dilaan, hasse ahaatee taliska Booliiska federaalka Itoobiya ayaa arintaa beeniyay.

geestiisa isaguna waxa uu sheegay inaan waxa jidh dila loo gaysan hasa ahaate waxa uu sheegay inuu doonayo wax yaabo yar yar in loo sameeyo oo ay ka mmid yihiin in saliga salaada iyo cunada loo hagaa jiyo  ayuu yidh cabdi

COMMENTS
Latest News