Raadgoob.com
Libaax Dhedig Oo Weerar Iyo Dhaawac ka gaystay Dalka Jabuuti
September 16, 2018 - Written by admin

Wararka ka imanaya degmada lagu magacaabo Duuda ee wax yar 20km u jirta caasimada Jabuuti ayaa sheegaya in Libaax Dhedig ah uu dad ku weeraray.

Wararku waxaa ay sheegayaan in gooshan dhibaatada geystay ay labo cisho ka hor ka baxsataygoob lagu xannaaneyo duurjoogta dalka Jabuuti

Dhaawac halis ah ayeey soo gaarsiisay gooshan saddex ruux oo ka mid ahaa dadka deegaanka Duuda sida u sheegay xildhibaan laga soo doorto deegaankaas oo intaa ku daray in ay gurmad ku sameeyeen dadka ay wax yeelladu soo gaartay.

Dadka deegaanka ayaa cabasho ka muujiynaya dhibaatada ay gaystaaan xayaawan-nada duur joogta ee ka baxsado seerayaasha lagu hayo.

Hasse ahaatee saraakiisha ka shaqeysa arrimaah duurjoogta ayaa hadda amar ku bixinaya in la dilo gooshan oo laga yaabo in ay dhibaato kale geysato.

Inta badan marka la eego xayaawanka wax dila ee lagu dhax xannaaneeyo magaalooyinka gudahooda ayaa dhibaato xoog leh geysta dadka marka ay ka fakadaan ama ka baxsadaan xerayaha lagu hayo.

COMMENTS
Latest News