Raadgoob.com
Daawo: Dugsiyada Nuradiin Oo Munaasibad Balaadhan U Qabtay Ardaydii Kalmaha Hore Uu Gashay Imtixaankii Somaliland
September 26, 2018 - Written by admin

Munaasibad heer sara ah  oo lagu qabtay xarunta Dugsiga Noradin ee inamada, taasi oo u jeedkeedu ahaa abaalmarinta ardaydii dhawaan kaalmaha ugu sareeya ka galay imtixaankii shahaadiga ahaa ee dugsiyada sare iyo hoose/dhexe ee xafiiska Imtixaanaadka Qaranku uu ku dhawaaqay oo dugsiyada Noradiin tobanka arday ee ugu sareeyey 8(Sideed) arday oo dugsiyada sare ah ku lahaayeen iyo 2(Laba) arday oo tobanka ugu sareeyey dugsiyada dhexe.

Xafladani oo ay ka soo qayb galeen Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, Wasiirka Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Boos Mire Maxamed, Gudoomiyaha Jaamacada FFU(Franz Fanon University) Xuseen Cabdilaahi Bulxan, Suldaan Axmed Daahir, Ugaas Axmed Cali Mahdi, maamulka dugsiyada Noradin, macalimiin, kumannaan ka mid ah ardayda dugsiyada Noradin, waalidiinta ardayda kaalmaha hore gashay, aqoonyahan, martisharaf kal duwan

                    Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan Oo Dhamaystiran

COMMENTS
Latest News