Raadgoob.com
Jidadka Ugu Muhiim San Magaalada Muqdisho Oo Gabi Ahaanba Saaka Xidhan
September 27, 2018 - Written by admin

Dadka reer Muqdisho ayaa saakay ku waa bariistay  iyadoo ay gabi ahaanba xidhan yihiin qeybo ka mid ah jidadka ugu muhiimsan isku socodka dadweynaha ee magaalada Muqdisho.

Isgoyska xidhnaa ayaa waxa ka mid ahaa Banaadir, Zoobe, Taleex, KM4, Shaqaalaha iyo kuwa kale ayaa xidhan, ciidamada dowladda ayaana ku sugan, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Lama oga in ay isticmaalaan jidadka gaadidka rayid, hasse ahaatee kaliya waxaa ogol yahay in ay isticmaalaan gaadiidka ay wataan ciidamada qalabka sida.

Lama garnaayo sababta loo xidhay jidadka magaalada Muqdisho oo ah kuwo ugu muhiimsan marka la eego isku socodka dadweynaha iyo gadiidka.

Xidhnaashihaha jidadka ayaa xayiraad muuqata ku keentay dad badan saakay doonayay in ay tagaan goobahooda shaqo, kuwaas oo qaarkood la arkaayay iyaga oo lugeynaya jidadka waawayn ee muqdisho.

COMMENTS
Latest News