Raadgoob.com
Weerar Culus Oo Lagu Qaaday Xabsiga Magaalada Boosaaso + Rasaas Xad Dhaafa Ah Oo Dhacaysa
September 27, 2018 - Written by admin

Warar nasoo gaadhaya ayaa sheegay weerar lagu qaaday xabsiga magaladada Boosaaso ee gobolka Bari, islamarkaana ay socoto rasaas xooggan oo dhaceysa.

Wariyeyaal ku sugan Boosaaso ayaa waxa ay sheegayaan in ay maqlayaan rasaas ka dhaceysa Xabsiga, waxaaa wararka qaar ay sheegayaan in xabsiga ay weerareen ciidamo gadooday oo ka cabanaya mushaar la’aan soo wajahday.

Ciidamada Asluubta ee ilaalada ka haya xabsiga iyo ciidamadii kale ee weeraray ayaa la sheegay in dagaal uu dhexmarayo, islamarkaana weli aan la ogeyn khasaaraha dhabtah ee halkaasi ka dhashay.

X/Caasimada Online

Warkan Wixii Faahfaahin Ah Ee Ka Soo Baxda La Soco Daqiiqadaha Soo Socda

 

COMMENTS
Latest News