Raadgoob.com
Saraakiil ciidan oo xabsiga la dhigay Magaalada Beledweyne + Sababta Ka Danbeysay
October 3, 2018 - Written by admin

Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegay in maamulka gobolka uu xabsiga dhiggay saraakiil ka tirsan hay’adda nabad-sugida.

Saraakiisha la xidhay ayaa kala ah Cabduqaadir Maxamed Abuukar iyo Cabdi Maxamed Cali oo labaduba horay u soo maray taliska nabad-sugida gobolka Hiiraan, lama oga sababta rasmiga ah ee ka danbeysa xadhigooda Labadan sarkaal.

Laakiin warar soo baxaya ayaa sheegaya in saraakiisha la xidhay iyo maamulka gobolka isku qabteen xil wareejinta taliyayaal cusub oo loo soo magacaabay xilalka ay hayeen labada sarkaal ee la xidhay.

Talaabadan ayaa imaneysa xili galinkii danbe ee shalay sidan oo kale guddoomiyuhu xabsiga u taxaabay maamulkii maaliyada gobolka oo laakiin saakay la sheegay in xabsiga laga sii daayay.

Wixii warar ah ee halkaasi ka soo baxa isha ayaanu ku hayn doona ee fah faahinta kula soco warar kayaga danbe

COMMENTS
Latest News