Raadgoob.com
Askari Cabsan Oo Toogasho Ka Gaystay Gudaha Magaalada Addis Ababa
October 4, 2018 - Written by admin
Askari cabsan oo ka tirsan booliska Itoobiya ayaa badhtamaha magaalada Addis Ababa ku toogtay labo askari oo ka tirsan booliska,sida u sheegay taliyaha booliska.
Taliyaha booliska Federaaka Itoobiya, Zeynu Jemal ayaa inta ku daray in toogasho lagu dilay askarigii cabsanaa,lamana sheegin khasaaro inta ka badan oo ka dhalatay rasaasta uu furey askariga cabsanaa.
Booliska ayaa xidhey  waddada ay toogashada ka dhacday ee degmada Bole oo ku taalla badhtamaha magaalada Addis Ababa,ka hor intii aysan dib haddana u furin.
Addis Ababa ayaa ka mid ah goobaha ugu amniga wanagsan dalka Itoobiya ee ka nabadgalay rabasho ka socda magaalooyin kale oo dalkaas.

COMMENTS
Latest News