Raadgoob.com
“Kansar Dartiis looma jarayo Naaskayga” Faadumo Xuseen
October 4, 2018 - Written by admin

Bisha Oktoobar ayaa loo aqoonsaday inay tahay bisha wacyigelinta ka hortaga kansarka naasaha ku dhaca, Weriyaha BBC ee magaalada Jigjiga, Cabdinaasir Sheekh Maxamad Xikam oo booqday isbitaalka ugu weyn dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ee Suldaan Xasan ayaa halkaasi kula kulmay Faadumo Xuseen oo la il daran cudurka kansarka naasaha ku dhaca.

Cudurkan ayaa noqonaya mid halis weyn ku haya dumarka ku nool dunida oo dhan, balse kuwa uu ku dhaco badankood waxay maraan qalliin looga jaraayo naaska, iyadoo laga hortagayo inuusan faafin cudurka, balse Faadumo ka mid ma aha dumarka yeelay in laga jaro xubintaasi.

”Jilaalkii ayaan isku arkay meel yaroo kuusan oo xanuun aan lahayn, sidaan sidaasi u ahaa ayaan iska imid isbitaalka, waxay igu yiraahdeen waxaa ku haya kansarka naasaha ee naaskaga midig waa la jarayaa, waan diiday in la’iga jaro oo waxaan ku laabtay halkii aan ka imid, ka dibna wuxuu noqday boog weyn sidaasi ayaana hadda dib ugu soo laabtay isbitaalka” ayey tiri Faadumo Xuseen.

Dr Isaaq Cabdiwahaab oo ka mid ah howl wadeennada isbitaalka Suldaan Xasan ee Jigjiga ayaa BBC u sheegay in deegaanka Soomaalida ee Itoobiya uu kansarka naasaha ku soo badanayo waayadii u dambeeyay.

”Aad ayuu deegaanka ugu badan yahay cudurkan, waayo marka hore wuxuu ku billowdaa buro yar oo naaska korkiisa ama dhinacyadiisa ka soo baxda, xanuun malahan, sidaasi darteed ma dareemaan in uu cudurka yahay, marka wey fududeystaan, waxa kali ah ee lagu ogaan karo ayaa ah in markay buro isku arkaan ay isbitaallada tagaan oo baaritaan ay sameyaan si looga badbaadiyo cudurka” sidaasi waxaa yiri Dr Isaaq Cabdiwahab,

Bandanaa dadka uu cudurkan ku dhaco ee ku nool dowlad deegaanka Soomaalida ayaa daaweyn u raadsada dalka dibadiisa, sida, dalalka Thailand iyo Hindiya. Qarash badan ayey ku bixiyaan, balse Nimcaan Xuseen oo la dhashay Faadumo ayaa sheegay inaysan awoodin in walaashiis lagu soo daaweeyo dalka dibadiisa.

”Rafaad maanta walaashey u laaban ma jiro, annaguna aad ayaan u dayacsannahay, meel magaalada ka fog ayaan ka nimid, magaaladana cid aan ka aqaano ma jirto, rafaad intan aayaa noogu filan. In illaahay il noo bixiyo mooye, inaan dalka dibadiisa geyno ma awoodno.”

In kastoo dumarka kali ah uusan ku dhicin cudurkan, haddana dhaqaatiirta ayaa inta badan dumarka ku dhiira geliya in ay baaritaan sameeyaan hadii ay isku arkaan qanjir ama nabar naaska uga yaalla.

X/ BBC SOMALI

COMMENTS
Latest News