Raadgoob.com
Hay’adda Shaqaalaha Dawladda oo ka qayb-gashay kal-fadhigii 22-aad ee Golaha Wasiirada Somaliland warbixin dhamaystiran oo ay siisay iyo go’aamo kasoo baxay.
October 5, 2018 - Written by admin

Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ayaa warbixin dhamaystiran siisay Golaha Wasiirada JSL halkaas oo aan kaga hadalnay; tirada shaqaalaha dawladda ,

tayadooda iyo tallaabooyinka degdega ah ee u qorshaysan Hay’adda Shaqaalaha Dawladda

-Haddaba, kulankan oo uu gudoominayey Madaxweynaha JSL isla markaana uu ku sugnaa Madawxeyne-ku-xigeenka JSL ayaa Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu kaga hadashay in ay si buuxda u xidheen tirintii shaqaalaha Dawladda isla markaana ay bilaabayso buuxinta kaalmihii shaqo ee soo baxay si ay fursad ugu noqoto dhalinyarada JSL

-Intii kulanku socday Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu waxa ay Golaha u bandhigtay siyaasadaha iyo hagayaasha muhiimka u ah koboca shaqaalaha dawladda oo dhawaan Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu samaysay halkaas oo aan u sheegnay in aan dhawaan golaha keeni doonno si kaabis iyo ansixin loogu sameeyo.

-Ugu dambayn, Golaha Wasiirada JSL ayaa bogaadiyey hawl-qabadka Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu ku samaysay diiwaan iyo kayd raandhiis leh oo shaqaalaha Dawladdu yeesheen abid iyo siyaasadaha loo sameeyey in lagu dhaqo shaqaalaha Dawladda oo aan horay u jirin iyaga oo go’aamo-na kalfadhiga kasoo baxeen.

-Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ayaa maalmahan soo bandhigi doonta qorshaha hawl-qabadka shaqaalayanta Insha Allah iyo nidaamka loo marayo.

Faahfaahinta Kulankii 22-aad ee Golaha Wasiirada JSL:

Golaha Wasiirada Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu uga mahadceliyey Dawaladda Itoobiya deeqda waxbarasho ee ay siisay Somaliland, waxuuna ammaan iyo bogaadin u soo jeediyey Wasaaradda Waxbarashada Somaliland, sida ay u maamushay qaybinta Deeqdaas waxbarasho sidoo kale goluhu wuxuu hambalyeey Ardaydii ku guulaysatay Deeqda waxbarasho ee dalka Itoobiya oo iyagu dhawaan u ambabaxi doona goobihii lagu kala qoray ee dalka Itoobiya.

Golaha Wasirradu wuxuu soo dhaweeyey kuna hambalyeey shaqada fiican ee ay qabatay Hay’adda shaqaalaha Dawladdu wuxuuna ku booriyey inay dhamaystiraan hawsha inta ka hadhay si loo helo shaqaale karti iyo aqoon leh laguna soo xusho sifooyin sharciga dalka waafaqsan.

Ugu danbayntiina Golaha Wasiiradda Somaliland waxay go’aan ku gaadheen;

1. In shaqaalaha dawladda ee heer kasta leh iyo Deeqaha waxbarasho ee dalka gudihiisa & dibediisaba saami mugleh laga siiyo Beelaha Gabooye si loo helo bulsho isla jaanqaada oo midaysan.

2. In shaqaalaha Miisaaniyadda 2018 ku jira loo sii daayo Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dawladda.

3. In shaqaale Hoosaadka Derajada ‘’D’’ ku hawl-gala ee ay Magacyadu ka khaldanyihiin loo samaeeyo Magac-badalid iyo

4. In shaqaalaha hoosaadka darajada ‘’D’’ ee aan ku jirin liiska shaqaalaha joogtada ah lagu daro Misaaniyada sannadka 2019-ka.

Image may contain: one or more people, people sitting and indoorImage may contain: 2 people, indoor

COMMENTS
Latest News