Raadgoob.com
Muwaadiniin Soomaaliyeed Oo Dalka Koonfur Africa Habeenimadii Xalay Lagu Dilay
October 5, 2018 - Written by admin

Wararka ka imaanaya dalka Koonfur Africa ayaa sheegay in xalay burcad South African ahi toogasho ku dileen labo muwaadiniin Soomaaliyeed oo waqtigaa ku suganaa goobtooda ganacsi.

Gaar ahaan dilkan labada dhalinyarada ah ayaa ka dhacay magaalada Pretoria sida uu sheegay goobjooge halkaa ku suganaa, waxaana labada dhalinyaradda ah ee la dilay lagu kala magacaabi jiray Cabdifitaax Gurey iyo Muumin Xusseen.

Isla goobtan ganacsi ee lagu dilay labada dhalinyarada ah ayaa labo habeen ka hor waxaa ay koox burcad South African ah dhaawac daran ugu geysteen dhalinyaro Soomaaliyeed.

Koonfur Africa waxaa caadi ka ah dilka iyo boobka lagula kaco gacansatada Soomaalida ah ee dalkaasi ku dhaqan, ilaa iyo hadda ma jirto tallaabo ay dowladdu ka qaatay dadka iyagu falalkan ku kacaya oo la sheegay in ay yihiin burcad madow South African ah.

X/ Hiiraan Online

COMMENTS
Latest News