Raadgoob.com
Nin Darawal Ah Oo Gaadhigii Uu Waday U Dhiibay DAAN YEER Kadibna Laga Naaxay
October 7, 2018 - Written by admin

Darawal Hindi ah oo basaska kaxeeya ayaa laga joojiyey inuu gaari wado ka dib markii uu daayeer u ogolaaday inuu baskiisa wado.

Sidaasoo ay tahay, ma jirin wax cabasho ah oo ka timid soddomeeyo qof oo ahaa rakaabkii saarnaa baskaas marayey koofurta gobolka Karnataka.

Haddaba markii la shaaciyey fiidiyow muujinaya daayeer aysan ka qasnayn oo si fiican u kaxaynayey gaariga, oo fiidiyowgaasna uu noqday mid aad loo daawaday, ayey shirkaddii baska lahayd tallaabo ka qaadday darawalka.

“Bedqabka rakaabka khatar lama gelin kari ayadoo daayeer isteerinka loo dhiibayo” sidaa waxaa yiri afhayeen u hadlay shirkadda baska leh.

Laakin dadkii daawaday, arrinta la yaabka leh waxay ahayd in aysan isku raacsanayn wixii ay arkeen iyo talaabada laga qaaday.

“Waa heer sare, maxaa shaqada looga joojiyey? Waxay ahayd in loo digo si uusan mar kale tan ugu celin” Prag Heda ayaa Twitter ku qoray.

Arrintan ayaa dhacday Isniintii, sida laga soo xigtay hay’adda xukuumadda u qaabilsan waddooyinka, taasoo ogaatay wixii dhacay markii la sii daayey fiidiyowga.

Sida laga soo xigtay dad goobjoog ah, daayeerka waxaa gaariga soo saaray qof rakaab ah oo diiday inuu fariisto meel aan ahayn kursiga hore.

Darawalka oo magaciisa lagu sheegay M Prakash, oo u muuqday inuusan wax welwel ah ka qabin ayaa u ogolaaday daayeerka inuu dhabtiisa ku fariisto.

Si marka loo fiiriyo, Mr Parakash wuxuu u muuqday in uu isteerinka hal gacan ku hayey intii uu gaarigu socday oo uu taxaddar qabay.

Daayeerka wuxuu gariga kaga haray markii la gaaray halkii loo waday.

Halkan Hoose Ka Eeg Sida Uu Daanyeerku Baska u wado

Daayeerka oo isteerinka haya

COMMENTS
Latest News