Raadgoob.com
Suurta Gal Matahay In Somaliland La Midowdo Soomaaliya Inteeda kale? Marwo Edna Aadan Ayaa Su’aasha ka jawaabaysa
October 7, 2018 - Written by admin

Somaliland ayaa daaboolka ka qaaday inay diyaar u yihiin wadahadal iyo midow ay la yeeshan Somalia inteeda kale.

Somaliland ayaa sheegay in aysan caqabad ku aheyn midowga Soomaaliweyn hase yeeshee ay doonayan in marka hore ay hubiyaan in Somalia ay diyaar u tahay wada hadal

Adna Aadan Ismaaciil oo ah Ergeyga Somaliland u qaabilsan wadahadalka dowladda Federaalka ah ee Somalia ayaa sheegtay in ay suuragal tahay in ay dib u midooban labada dhinac.

Adna Aadan, waxa ay sheegtay in midowga labada dhan uu ku imaankaro keliya in Somalia ay marka hore diyaar u tahay in la dhowro nidaamka dowladnimo, maadaama ay Somalia ka jiraan sharciyo kala duwan.

Iyadoo u warameysay Idaacada VOA laanteeda Afka Somalia ayey tiri “Somaliland diyaar ayey u tahay inay la midowdo Somalia inteeda kale laakin waa haddii laga helo Somalia shuruudaha, waayo labada dhanba waxa ay doonayaan nabad”

“Midowga labada dhinac waxa uu yahay mid ku xidhan in Somalia marka hore ay hesho dowlad dhameystiran oo ay soo doortan shacabka”

Adna Oo Hadlkeeda Sii Wadata halkan ka doowo muuqalka warkan

COMMENTS
Latest News