Raadgoob.com
Cabdikariin Qalbi-Dhagax Oo Lagu Soo Dhaweeyay Magaalada Dhuusamareeb Ee Xaruunta U Ah Galmudug.  
October 9, 2018 - Written by admin
Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi-Dhagax ayaa gaadhay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad-gobolleedka Galmudug.
Sarkaalkan ka tirsan jabhadda ONLF, waxaa ku soo dhaweeyay magaalada Dhuusamareeb, mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug iyo xubno ka mid ah qaybaha bulshada. iyo waxgaradka deegaankaas
Safarka uu ku tagay Dhuusamareeb ayaa qayb ka ah socdaal uu sheegay inuu ku marayo dhulka Soomaalida, wuxuu maalmihii u dambeeyay ku sugnaa deegaannada Puntland, isagoo hadda ka soo ambabaxay magaalada Gaalkacyo oo aheyd halkii laga qabtay. markii xabsiga loo taxaabay
Balse, sida u sheegay Cabdikariin Qalbi-Dhagax  socdaalkiisa qayb kama aha magaalada Muqdisho inuu tago, wuxuuna ku sheegay wareysi uu bixiyay inaysan qorshaha ugu jirin.inuu booqdo magaalada muqdisho ee caasimada Dowlada Soomaaliya,

COMMENTS
Latest News