Raadgoob.com
Madax Ka Socota Wasaarada Difaaca Dalka Qadar Oo Muqdisho Soo Gaadhay
October 13, 2018 - Written by admin

Waxaa saakay magaalada Muqdisho gaadhay wafdi ka socda Wasaarada difaacada dalka Qadar, waxaana wafdigan garoonka kusoo dhaweeyay Masuuliyiin iyo saraakiil katirsan Ciidanka Milatariga Soomaaliya.

Wafdigan ka socday Wasaarada Difaaca dalka Qadar ayaa markii ay soo gaadheen Muqdisho waxaa loo galbiyay Wasaarada Gaashaandhiga, halkaas oo la filayo in kulamo kula qaataan Madaxda Wasaarada Gaashaandhiga iyo saraakiisha ciidanka Milatariga.

Waxaan wali ilaa hada aan la ogeyn xubnahan ka socda dalka Qadar cida hogaamineysa iyo waxa ay ka kooban yihiin, lamana oga ujeedka rasniga ah ee xubnahan ka socda Wasaarada Difaaca Qadar usoo gaadheen magaalada  Muqdisho ee xaruunta u ah dowlada fadraalka soomaaliya

Dowlada Qadar ayaa kamid ah dowladaha sida weyn u taageera dowlada uu Farmaajo hogaamiyo , waxaana marar kala duwan Muqdisho soo gaadhay madax iyo Saraakiil ka socota Sirdoonka Qadar kuwaas oo kulamo la qaatay Madax kala duwan ee dowlada soomaliya

 

COMMENTS
Latest News