Raadgoob.com
Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Kheyre Oo Safar Aan La Shaacin Ku Tagay magaalada Jowhar Ee Xaruunta Hirshabeele
October 15, 2018 - Written by admin

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre iyo wafdi uu horkacayo ayaa goor dhaw gaadhay magaalada Jowhar ee xarunta  maamul gobolleedka Hirshabeele.

Wafdiga ra’iisal wasaaraha waxaa garoonka diyaaradaha Jowhar ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin uu hor kacaayo   madaxwaynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Kheyre ayaa lagu wadaa in uu dhagaxdhiggo mashaariic laga hirgelinayo magaalada, sida dhismaha xarun u yeelanayo Baarlamaanka Hirshabeelle, madaxtooyada, iyo wasaarradda maaliyada Hirshabeelle, isaga oo dhinaca kalana daah furi doono mashruuca dhismaha waddada isku xidhta Garoonka diyaaradaha iyo magaalada Jowhar.

Amaanka ayaa siweyn loo adkeeyay maanta magaalada Jowhar, waxaana la sheegay in ay gaadheen magaalada  Jowhar ciidamo dhinaca dhulka uga anbabaxay magaalada Muqdisho

X/ Hiiraan online

COMMENTS
Latest News