Raadgoob.com
Guddoomiyaha Rugta ganacsiga Jubbaland Shaafi Raabi Oo Mar kale Garonka Muqdisho Lagu Xanibay
October 16, 2018 - Written by admin

Wararka aanu ka helayno garonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ee Aadan Cabdulle Cismaan ayaa sheegaya in mar kale halkaa lagu xidhay guddoomiyaha rugta Gancsiga Jubbaland Shaafi Raabi.

Shaafi Raabi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in meel la fariisiyay kaddib-na laga qaaday dukumiintiyadii uu watay, isaga oo intaa ku daray in uusan ilaa iyo hadda garanayay sababta loo bartilmaameedsanayo.

Shaafi Raabi Kaahin ayaa ka yimid dalka Turkiga oo uu uga qayb galay shir looga hadlaayey ganacsiga Africa iyo Turkiga, walina arintan wax war ah kama aysan soo saarin saraakiisha amniga garoonka Aadan Cadde.

Waa markii labaad oo xannibaadan tan oo kale ah uu la kulmo guddoomiyaha rugta Ganacsiga Jubbaland oo dhowr bilood ka hor sida oo kale loogu xidhay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde lama garanaayo sababta ka danbaysa xanibaadan gudoomiyaha,

COMMENTS
Latest News